Sidee loo dumiyaa xadaaradaha bulshooyinka?

Caalim U Dhashay Dalka Marocco Oo Sharaxaya Hababka Loo Maro Duminta Xadaaradaha Bulshooyinka
Dr. Mahdi Elmandjra, oo ahaa Qoraa iyo Caalim u dhashay Dalka Marooko oo ka Faalooda Arimaha Bulshada ayaa qoray Maqaal uu uga hadlayo Hababka loo maro Duminta Xadaaradaha Bulshooyinka.
Qoraagu wuxuu yiri: si aad u Dumiso il-Baxnimada Bulsho dhisan uma baahna inaad u adeegsato  Hubka Nuklayer iyo Gantaallada Ridada-dheer; kaliya waxay u baahantay inaad Dumiso Qoyska, Tayada Waxbarashada iyo inaad yasto Dadka Tusaalaha ah ee Bulshadaasi ku Dayato.
Qoraaga oo sii Sharxaya Waddooyinka loo maro Hababkaan ayaa yiri sidan:
1) Si aad u Dumiso Reerka, meesha ka saar Kaalinta Hooyadu ku leedahay Barbaarinta Ubadka, si taas loo gaaro Bulshada u sheeg in Hooyadu u baahantahay inay Shaqeyso, si ay uga faanto in ay Guriga joogto una dayacdo Barbaarinta Ubadkeeda ayna Gurigaas ugasoo baxaan Carruur aan Tarbiyeysneyn.
2) Si aad u Dumiso Waxbarashada, Hoos u dhig Tayadeeda Aqoonta, Ardaydana u fududeey Qishka Imtixaanada. Hoos u dhig Qiimaha Macalinka, si ay Ardaydu u yasto Farriinta uu Macalinku Xambaarsanyahay una lumo Cilmigu, ayna Bulshadaas ugusoo baxdo Arday Qish kusoo baastay oo Muhiimaddoodu tahay inay qaataan Shahaado bilaa Cilmi ah.
3) Si aad meesha uga saarto dadka ay Bulshadaasi ku tiirsantahay, wax-ka-sheeg oo Bahdil ku samee Culimada iyo Mufakiriinta, si aan hadalkooda loo dhegeysan looguna Dayan, ayna halkaas ugasoo baxdo Bulsho Marti ka ah Diintooda oo aan Rabigood ku xirneyn.
Haddaba, haddii uu Guriga kasoo Baxo Jiil aan Tarbiyeysneyn, ayna meesha ka baxdo Kaalinta Macalinkii Wax-ku-bari lahaa Dugsiga, Iskuulka iyo Jaamacadadda, meeshana laga saaro Doowrka Culimada iyo Mufakiriinta, yaa u maqan Bulshadaas? ayuu Qoraagu isku weydiinayaa dhammaadka Maqaalkiisa.
Hadaba Natiijada uu Qoraagu sheegay oo la dhaqan-geliyay waa Mushkiladda iyo Dib-u-Dhaca maanta heysta Dalkeenna iyo Dadkeenna. Kasoo Kabashadeedana waxaa Saldhig u ah Guriga.
Haddii Ubadkeenu helo Hooyo dhisan oo ku faanto kana shaqeysa Barbaarintiisa; uuna Goobaha Waxbarashada ku helo Macalin Kobciya Garaadkiisa, uuna heysto Culimo iyo Mufakiriin uu ku daydo; waxaa soo baxaya Jiil ku dhegan Diintooda iyo Dhaqankooda waxna u tari kara Dalkooda iyo Dadkooda.
Qalinkii: Engineer Hussain Sabrie