Dhageyso: Sidee ayaa saaka loo fashiliyay weerarkii is-miidaaminta ee Afmadow?

Afmadow (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar is-miidaamin ahaa oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cali Bogmadow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaas oo loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Bogmadow ayaa ka sheekeeyay qaabka loo fashiliyay weerarkan, wuxuuna tilmaamay in baabuurta lagu qarxiyay difaaca koowaad ee xarada la weeraray, kadib markii ay ku dhaceen godad uu sheegay in loogu tala-galay in looga hortago qaraxyada Al-Shabaab.

“Waa la arkay labada baabuur xabadaa lagu ridday marka naf la caarigii difaacii hore oo godad dhaadheer laga sameeyay oo loogu tala-galay Khawaarijta wasaqda marka ay ku tala-galaan in qarax ciidamada ay ku waxyeeleeyaan inuu ku dhaco baabuurka dabadeedna uu isagu isla qarxo arrintaas waa ku guuleysanay,” ayuu yiri Taliye Cali Bogmadow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in baabuurta la qarxiyay ay la socdeen tobaneeyo Al-Shabaab ah, balse goobta lagu wada dilay, sida uu hadalka u dhigay.

“Labadii baabuur iyo wixii la socday way qarxeen hilbahoodii ayaa meesha daadsan, 10 ayaan dilnay qiyaastii, xittaa waxaa la socday kuwo is qarxin rabay” ayuu sii raaciyay.

Dhankooda waxa uu xaqiijiyay inay dhaawacyo fudud soo gaareen illaa saddex askari oo kamid ah ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla duleedka Afmadow.

“Annaga waxaa jira saddex nin oo dhaawac fudud ah waa la dhayay ciidankoodii ayey horay ugu feeleen” ayuu markale yiri taliyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay si wadi doonaan gulufka dagaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo haatan ka socdo gudaha degmada Afmadow.

Ma joojineyno howlgalkii aanu wadnay ee bartan aan ka hoggaamineynay halkiisii ayuu ka soconayaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Al-Shabaab dhankeeda waxay shaacisay inay beegsatay saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah.

Si kastaba, maalmihii u dmabeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.