Madaxweyne Deni oo loogu awood sheegtay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maalmo badan la dhibaatoonaya inuu magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka dhaqan-geliyo isdiiwaan-galinta dadweynaha iyo barnaamijkiisa oo ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland, kaas oo la kulmay diidmo dhaqan, mid siyaasadeed iyo mid ciidan.

Dhowr maalmood kahor ciidan ku abtirsada magaalad Garoowe oo diidan sida uu Saciid Deni wax u rabo ayaa weeraray goob loogu tala-galay in lagu diiwaan-geliyo dadweynaha.

Odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay inay ciidanka la hadlaan oo xabada joojiyaan. Ciidanka diidan qorshaha Saciid Deni ayaa waxaa hogaaminaya nin la yiraahdo Jimcaale oo reer Garoowe ah.

Ninkan iyo Saciid Deni ayaa isku saf ahaa dagaalkii kal hore ka dhacay Boosaaso ee ay la galeen Ilmo Diyaano, laakiin hadda jihada uu Saciid la rabo xukunka iyo sida Jimcaale ugu weyn tahay tarihii soo jireenka ahaa oo hadda beeshiisa maraya ayaa kala dilay labada nin.

Ciidan xoog leh ayuu Jimcaale haysta, waana taliyaha guutada labaad ee kumaandooska Puntland.

Siyaasiyiinta reer Garoowe ayaa miisaankoodu sidoo kale weli diidan yahay sida uu Saciid Deni wax u rabo.

Garoowe iyo Gaalkacyo waa labada meel ee lagu tijaabinayo qorshaha Saciid Cabdullaahi Deni oo ay dadku badi sheegayaan inuu yahay mid uu rabo inuu u dhexmaro muddo kororsi laba sano ah.

Arbacadii waxaa jiray qorshe uu Deni rabay in isdiiwaan-galintu kaga bilaabato magaalada Garoowe, laakiin waa suurtoobi weysay.

Odayaal uu hogaaminayo Islaan Ciise ayaa la sheegay inay wadaan wada-hadal. Indheer-garadka siyaasadeed ee beesha degta magaalada Garoowe waxay ku doodayaan in xisaabta sidii hore ku socoto ee ahayd saddexda tiir, waxay u arkaan in la joogo kalkoodii.

Deni magaalada Boosaaso ayuu kasoo qabtay isdiiwaan-gelinta, laakiin waxa jira kala duwanaansho labada magaalo ah. Mid waa hal dhari waana Garoowe oo ay u badan tahay inay beesha xoogeedu isku aragti noqoto.

Midna waa dhawr digsi oo waa Boosaaso oo haddii qolo kaa diido aad heli kartid qolo kale oo kusoo baxda.

Inkasta oo ay jiraan siyaasiyiin reer Garoowe ah oo safka dhanka Deni kaga jira haddana weli kuma aanay guuleysan in dadka magaalada iyo miisaanka gobolka Nugaal ka iibiyaan mowduuca Saciid Deni, kaas oo wararka qaar ay sheegayaan inuu isna ciidan xoogan ku ilaalinayo sanaadiiqda.

Illaa bisha May ee sanadkan Deni waxa uu rabaa in degmooyin badan ka sameeyo diiwaan-gelinta kadibna uu codsado muddo kororsi laba sano ah, isaga oo marmarsiyo ka dhiganaya dhameystirka qorshihiisa ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland ayay leeyihiin mucaaridka Puntland, oo iyagu si weyn u diidan arrintan.

Saciid Cabdullaahi Deni dabeylaha ayaa weli ruxaya, xaalkiisuna ma deganeyn tan iyo markii uu kusoo jabay doorashadii guud ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka hadlay xiisada ka taagan Garoowe, wuxuuna ku baaqay in xiisada halkaas ka taagan wada-hadal lagu xaliyo.