Xabad-joojintii Somaliland oo burburtay iyo dagaal dib uga qarxay LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayadoo ay burburtay xabad-joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland oo ka hadshay dagaalkan waxa ay shaaca ka qaaday in soo weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliland oo qoraalkan baahisay ayaa intaasi ku dartay in la jabiyay ragga weerarka soo qaaday, isla-markaana goobaha lagu dagaalamay ay haatan ku sugan yihiin ciidamadooda.

“Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan,” ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Gudah Somaliland.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in arrintan ay ku soo beegan tahay, kadib xabad-joojin shuruud la’aan ah oo ay sheegtay inay xalay ku dhawaaqday xukuumaddu.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa markale lagu yiri War-saxaafadeedka.

Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas.