Haweeney ‘nin xanuunsan ku afduubatay’ magaalada Muqdisho oo lasoo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo howlgal qorsheysan ka sameeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu soo eedeeyay ‘in ay nin ka afduubatay’ gudaha degmada Wadajir.

Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Maxamed Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay guri ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku hayeen, ayada iyo koox kale oo ay hoggaamineysay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsan.

Ninka la afduubtay oo haweeneydan & kooxdeeda ay kasoo wateen waaxda shanaad ee degmada Wadajir ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Mahad Xasan Camey, kaas oo haatan lagu wareejiyay ehelladiisa, sida uu shaaciyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir si gaar ah Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ayaa ka qabtay Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo iyada iyo Koox ay hugaamineyso afduubteen Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsanaa,” ayuu yiri Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa intaasi ku daray in haweeneyda haatan lagu soo xiray saldhigga degmada Wadajir, isla-markaana laga qaadi doobo tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Haweeneydaan ayaa horkaceysay koox afduubtay Mahad Xasan cameey oo ah Muwaadin xanuusan oo ay ka afduubteen waaxda 5-aad ee Degmada wadajir iyaga oo ku hayay guri ku yaala Degmada Howlwadaag. Saldhigga Degmada Wadajir ayaa hataan laga soo xiray Haweeneydaan, waxaana la hor geenayaa sharciga,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Booliska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan howlgallada ka socda caasimada, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo halis ku ah amnig shacabka.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay falkan afduubka ah hoggaamineysay haweeney, taas hadal-heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada.

Si kastaba, caasimada ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal afduub ah oo badanaa lagula kaco carruuta yar-yar, kuwaas oo aad usoo kordhayay maalmihii lasoo dhaafay.