Sawirro: Sidee loo qabtay shabakaddii Al-Shabaab ee dishay Xasan Cabdulqaadir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay gelinkii dambe ee shalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Garasbaaley ayaa waxaa lagu beegsaday shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay.

Shabakaddan oo ka koobnayd 4 dhalinyaro ah ayaa gacanta lagu soo dhigay, kadib markii ay dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray marxuum Xasan Cabdulqaadir Ibraahim.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ee gobolka Banaadir ayaa lagu faahfaahiyay howlgalkan, waxaana lagu xaqiijiyay in 4 eedeysane, hubkooda iyo mooto ay wateen gacanta lagu haayo.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in afarta nin lagu soo qabtay howlgal ka daba tag ah oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka Soomaaliya.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Saldhigga Boliiska Deegaanka Garasbaaley waxeey gacanta kusoo dhigeen shabakad ka kooban 4 dhalinyaro ah kuwaas oo dilay Marxuum: Xasan C/Qaadir Ibraahim kana tirsanaay CXDS” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale “Dilka kadib Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo sameeyay kadatag ayaa Gacanta kusoo dhigay shabakad oo watay Mooto iyo Laba Bastooladood oo ay dilka ku geesteen”.

Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in shabakaddan la horgeyn doo maxkamadda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh Insh-Allah. Wabillahi Towfiiq” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Maalmihii dambe ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka waday kuwaas oo lagu dareemay deganaasho iyo xasilooni amni oo weyn.