Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Baarlamaanka Puntland, ee uu ku ansixiyay wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland.
Waxaa oggol ugu codeeyay 54 mudane, halka ay diideen 6 mudane oo kale, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka Puntland.
Fadhigii maanta ee Golaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 60 Xildhibaan.
Sidoo kale, waxay mudaneyaasha isku raaceen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan doorasho qof iyo cod ah.
Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?
Xaliye Yuusuf Maxamed: “Berina muddo kordhin laba sano ah amaa samaysataan mudanayaal?!.”
Cali Ibraahim Cali Mire ayaa isna yiri “Dastuurka waa furan yahay miyaa, wixii maanta laga bilaabo guddoomiye wado halis ah ayaad u bareertay saaka ku soco.”
“Waxaan baarlamaan ma ahane waa ilma Deni oo meel layskugu keenay,” ayuu yiri Subeer oo kamid ah dadka sida weyn u dhaliilsan tallaabada uu qaaday maanta Baarlamaanka Puntland.
Cabdi Maxamuud ayaa yiri: “Waaba soo wada xaadirteene, War annagaa balo aragnay, diintiinu waa lacag.”
Islaam Maxamed Xaaji: “Shimbirayahow heesa lab sanno Farmaajo iyo waxaan aad dhoob-dhoobteenba waa isku mid xaggee ka dhaqan-galayaan waayahee.”
“Waxaas yaa idinka yeelaya Deni baa idin so laalushaye,” ayuu yiri Shaakir Maxamuud.
Saki Saalax ayaa isna yiri: “Deni hadda siduu rabo maa loo yeelayaa?.”