Sidee ayaa looga fal-celiyay tallaabadii FARMAAJO?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay inuu dhowaan booqanayo deegaano ka tirsan SSC-Khaatumo oo ay ugu horreyso magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa xaqiijiyay safarkiisa, wuxuuna sheegay inuu kala hadlay hoggaamiyaha KMG ka ah ee maamulka SSC, Mudane Cabdulqaadir Firdhiye oo ay ku wada kulmeen magaalada Garoowe caasimada maamulka Puntland

Madaxweynihii hore  oo hadda ku sugan Garoowe ayaa tilmaamay in marka hore uu kusoo laabanayo Muqdisho, kadibna socdaalkiisa dambe uu ugu sii gudbi doono Laascaanood.

“Aniga iyo hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye waxaan ka wada-hadalnay oo aan isku sheegnay inay qurxoon tahay inaan dib usoo noqdo marka kulanka uu halkan ka dhacaayo aan waqti fiican ku imaado Khaatumo,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaan ka bilaabeynaa magaalada Laascaanood, Buuhoodle, Guumeys, Carooley iyo wixii suurtagal ah oo deegaanadaas ah oo aan dadka la kulano”.

Hadda sidee looga falceliyay booqashada uu Farmaajo ku tegayo Laascaanood?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay booqashada uu sheegay in Farmaajo uu ku gaarayo deegaanada SSC.

Cabdifitaax Maxamed “SSC-dii aad marka maamulka haysay aad dhagaha ka daboolatay, weliba xittaa oran waysay waa shacab dulman miyaad maanta naf ka raadinee?”

Cabdikarim Ibrahim Aadam ayaa isaguna falcelintiisa ku yiri “Puntland iyo SSC hadhow haku doortaan”.

Maxamed Deyr “Farmaajo berigi hore waxaan is odhan jiray waa Nin waddani ah oo waaqica Soomalida dhexdeeda yaala fahansan, laakiin waxaad u xuub siibatay dhaqankii xumaa ee siyaasiga Soomaaliga ah lagu yaqanay”.

Maxamed Cali “Madaxweyne Welcome SSC, waana lagu sugayaa dadkaaga baa ku heegan ah”

Daahir Xasan ” Khaatumo sow tii aad tiri dib hala iigu dhigo Jawaabteeda, Maxamedow ma annagaa na waalee?”

Mowliid Cabdulqaadir “Masha Allah soo dhowoow mudane Madaxweyne Maxamed Farmaajo Xabiibul Malaayiin”.