Sawirro: Ujeeddada kulan aan caadi aheyn oo uu maanta guddoomiyay R/W Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan aan caadi aheyn oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulankaan ayaa looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradaha wax-soo-saarka looga fadhiyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale, isaga oo kula dardaarmay in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow.

Waxa uu hoosta ka xariiqay sirii wada-jir loogu xaqiijin lahaa hadafka xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.

Kulanka ayaa ugu dambeyntiina lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs’ka wasaaradaha wax-soo-saara dalka.

Kulankaan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya horraantii bishaan ay heshiis maal-gelin dhanka wax soo sarka ah la saxiixatay Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD), kaasi oo taageeri doona wax soo saarka beeraha dalkeenna, oo hadii ay helaan maal-galin rasmi ah qeyb weyn ka qaadan doona sare u qaadidda dakhliga dowladda.

Si kastaba, kor u qaadista wax soo saarka dalkeenna, gaar ahaan dalagyada kasoo go’a beeraha ayaa wax badan ka tari kari ah baaqashada masiibooyinka ay abaartu ka mid tahay, oo dhowr jeer kusoo laab-laabtay dalkeenna.