Khubaro sheegtay sida uga habboon ee QARAXYADA Muqdisho looga hortagi karo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyey sii kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kuwaas oo geysta khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Todobaad gudihiis ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay gobolka Banaadir ka fulisay illaa saddex qarax oo uu ugu dambeeyey midkii dhacay xerada Jeneral Dhaga-badan.

Haddaba Sidee looga hortagi karaa qaraxyada ka dhacaya Muqdisho?

Agaasime ku xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo la hadlay VOA ayaa sheegay in kooxda Al-Shabab ay go’aansatay inay culeys soo saaraan magaalada Muqdisho, kadib markii ay kordheen howlgallada iyo dagaallada uga furan qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka.

Cabdisalaan Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka Al-Shabaab uu yahay inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah, ayaga oo ka faa’iideysanaya dayaca amni ee jira.

“Al-Shabaab waxay go’aan ku gaareen inay dadka Soomaaliyeed xanuunjiyaan bartilmaameed ma’aha waxa ay weerarayaan meel xero ciidan waa laga yabaa inay dayacaad ka helaan oo wax ka sameeyaan, ” ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf Guuleed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in amniga gobolka Banaadir lagu sugu karo in qorshe cusub iyo istaraatiijyad ay la yimaadaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

“Waa muhiim ciidamada qorshe cusub, istaraatiijiyad iyo howl cusub inay la yimaadaan qaasatan hay’adda Nabad Sugidda iyo Booliska” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhankiisa Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdullahi Daqare oo ka hadlayey amniga caasimada ayaa sheegay in loo baahanyahay in howlaha sugidda amniga laga qayb galiyo shacabka, si loo helo wada shaqeyn buuxda oo u dhexeyso dadka shacabka ah iyo ciidamada booliska

“Runtii amniga gobolka Banaadir ama caasimada Muqdisho waxa lagu sugi karaa oo kaliya in dadweynaha reer Banaadir ay iyagu ka qayb galaan amni sugidda, nabad-gelyada iyo deganaashaha Banaadir,” ayuu isna yiri aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdullahi Daqare.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu haatan faraha kasii baxayo amniga Muqdisho, kadib qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay gudaha caasimada, waxaana aad loo xasuustaa qaraxyadii ka dhacay Zoobe oo weli saameyntooda laga dareemayo guud ahaan waddanka.