Sidee qabiilka Luo ee uu ka dhashay RAILA ODINGA u horseedeen guuldarradiisa?

Kisumu (Caasimada Online) – Gu’yaal badan, ruugcaddaaga siyaasiga mucaaradka Kenya, Raila Odinga wuxuu ahaa jaangooyaha siyaasadda gobollada galbeed ee ku teedsan Harada Victoria. Wuxuuna ahaa mid aad iskugu haleeya codadka qowmiyadda Luo ee uu ka dhashay, shantii doorasho ee madaxtinimada Kenya uu u loolamay. 

Aad ayay xaggiisa ugu janjeeraan xaqiiqdii. Waxaana ay ugu yeeraan Baba ama Aabbe ay u arkaan inuu rabay inuu xididdada u siibo musuqmaasuqa baahay balse ku guul-darreystay afar jeer oo uu u tartamay xilka madaxtinimada. Laba jeer ayuu ku sigtay in loo doorto madaxweynaha Kenya.

Laakiin hadda waxaa su’aal laga keenay daacadnimada qowmiyaddiisa Luo kaddib markii Odinga, oo 77 jir, toddobaadkii tagay markii shanaad lagu dhawaaqay in looga guuleystay doorashada madaxtinimada. 

Doorasho ay codadkooda ka dhiibteen in ka badan 14 milyan oo Kenyan ah, tirinta codadkii la dhiibtay ayaa muujisay in farqi dhan 233,000 oo codad ah uu ka hooseeyey loolamihiisa, William Ruto oo hadda wali sii ah madaxweyne ku xigeenka Kenya balse ku guuleystay doorashada.  

Laakiin haddii uu heli lahaa codadka 600,000 oo ah codbixiyaashii iska diiwaangeliyay afar ismaamul goboleed oo ay degaan qowmiyadda Luo, Raila waqtigan wuxuu noqon lahaa guuleystaha doorashada madaxtinimada.  

Soo ma xaadirin goobaha laga dhiibto codadka  

Dadka deegaanka ayaa waraysiyo lala yeeshay ku sheegay in Raila uu lumiyay kalsoonidii ay ku qabi jireen madaama uu isku gaar yeelay daadejinta awood qeybsiga xisbigiisa. Waxay sidoo kale ku tilmaameen mid ku talax-tagay siyaasaddii musuqmaasuqa ku dhisneyd oo uu sida weyn markii hore uga soo horjeeday. 

“Raila wuxuu noo ahaa nin shacab,” ayuu yiri John Okello, oo 38 jir ah kana mid ah dadka halka milyan ka badan ee ku nool Kisumu. 

“Laakiin hadda yididiiladii aan u heynay way dhimatay,” ayuu sii raaciyay. 

Is-xulufeysiga ku dhisan qowmiyadaha wuxuu ahaa dhaqan jiheeya siyaasadda Kenya sannado badan, taas oo abuurtay musuqmaasuq iyo sinnaan la’aan. Marka laga gaaro xilliyada doorashooyinkana, waxaa abuurma qalalaase. 

Laakiin sannadkan wax badan ayaa isbeddelay, waxaana muuqataa in dadku kasoo gudbeen qadkii qowmiyadnimada, ayna billaabeen inay la jaanqaadaan siyaasadda isbeddelka. 

Isbeddelkan wuxuu si gaar ah uga soo muuqday bartamaha Kenya oo ay ku badan yihiin qowmiyadda Kikuyu oo ah kuwa ugu badan Kenya, kuwaas oo ku gacanseyray doonista Uhuru Kenyatta oo ahayd inay codadkooda siiyaan Raila Odinga. Taas cagsigeeda, waxay codadkooda ugu shubeen William Ruto, oo kasoo jeeda qowmiyadda Kelenjin ee degta gobalka Rift Valley. 

“Dad badan waxay markii hore aaminsanaayeen in codadka qowmiyad walba uu aadi doono meel lasii og yahay – balse wax weyn ayaa iska beddelay middaas,”ayuu yiri Ken Opalo oo siyaasadda Kenya ku xeeldheer. Dhowr jeer oo doorashooyinku socdeenna socdaal ku maray Kenya inteeda badan. 

“Qanacsanaan la’aanta iyo madax xanuunka ay qowmiyadda Kikuyu ka qaaday bandhigii Uhuru iyo farriintii kasoo horjeeday ee uga timid William Ruto ayaa wax badan geesta kale u rogay,” ayuu sii raaciyay. 

Deegaannada ay ku xooggan yihiin qowmiyadda Luo ee kala ah Kisumu, Homa Bay, Siaya iyo Migori waxaa codadkooda ka dhiibtay 72% dadkii is-diiwaangelisay. Waana tiro 20% aad uga hooseysa doorashadii dhacday sannadkii 2013.  

Goobaha kale ee dadka codadkooda dhiibtay ay aad u yaraayeen waxaa kamid ah Mombasa oo ah meel kale oo Raila aad ugu xisaabtamayay codadkeeda. 

Halka deegaannada looga codeeyey William ay in ka badan 80% codbixiyayaashu soo xaadireen. Wuxuuna si fudud ku hantiyay codadka gobalka Central Kenya iyo kuwo badan oo kamid ah gobalka ay beeshiisu ku badan tahay ee Rift Valley. 

Khubarada ayaa hadda sidoo kale ol’olihii Raila Odinga ku sheegaya mid aan xambaarsaneyn farriin cad oo la fahmi karo. 

Balse Ruto oo ah ganacsade maalqabeen ah, wuxuu ol’olihiisa ku saleeyey mid loogu adeegayo fuqarada, wuxuuna astaan xisbigiisa uga dhigay gaari-gacan.  

Taageerayaasha Odinga ayaa sheegay in taniyo markii isbahaysi uu la sameystay Uhuru Kenyatta sannadkii 2018 uusan ku laabanin deegaanka uu kasoo jeedo si uu ula socdo xaaladaha ay ku nool yihiin iyo dhibaatooyinka dhaqandhaqaale oo ay la daalaa-dhacayaan. 

Markii Raila oo ku dhawaaqay inuu maxkamadda ka qaadan doono racfaan ku saabsan natiijada doorashada waxaa joogsaday dibadbaxyada, waxaana dad badan oo ku sugan Kisumu ay ugu baaqeen inuu la shaqeeyo madaxweynaha la doortay ee Ruto.