Sideed askari oo KENYAN ah oo qarax miino lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax ay la eegatay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo isaga kala gooshayey deegaano dhaca xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay qaraxaas ay jidka u galiyeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya ee ku sugan xadka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qaraxan miino ay ku dishay ugu yaraan 8 askari oo Kenyaan ahaa, isla-markaana ay ku dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Kayunga ee Gobolka Lamu & Sangur, sida lagu shaaciyey warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli xad hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya, kuna aadan qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo ay ka wadaan gobolka ee Laamu.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya iyo kuwa isaga kala goosha xadka Soomaaliya iyo Kenya.