Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaana ee maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gallo qorsheysan ka sameeyey xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.

Howl-galladan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska nabad sugida ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay nabad sugidda Jubbaland ayaa lagu shaaciyey in ciidamada ammaanka ay weli ku raad joogaan xubno kale oo la tuhusan yahay.

Hay’adda nabad sugidda Jubbaland ayaa sidoo kale baaq u dirtay shacabka Kismaayo, waxaana ay ka codsatay inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

”Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay hay’adda NISA ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Ugu dambeyn hay’adda qoraalkeeda kusoo gaba-gabeysay inay sii wadi doonto howl-gallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda halkaasi.

Kismaayo oo ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka ayaa maalmihii u dambeeyey waxaa ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay inta badan sheegatay kooxda Al-Shabaab.