Xog: Rooble oo qorshe kale degay kadib markii wada-shaqeynta ay u gaabiyeen madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo aysan weli soo dhamaan doorashadii xubnaha Aqalka Sare ayaa dhinaca kale wuxuu Ra’iisul Wasaare Rooble isku dayayaa inuu furo qaanadda doorashada xubnaha Golaha Shacabka, maadaama lala kulmay dib u dhac xooggan.

Dhowr jeer ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble weydiistay madaxda maamul Goboleedyada inay soo dhameystiraan doorashada xubnaha Aqalka Sare si loo billaabo doorashada Aqalka Hoose, laakiin cidna kama soo jawaabin baaqiisa.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo xoogeystay wararka la xiriira inay madaxda maamul Goboleedyada wada-shaqeyntii u gaabiyeen  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay danahooda kale ku mashquuleen, islamarkaana ay meel iska dhigeen doorashada.

Rooble wuxuu hadda u muuqdaa inuu raadiyey waddo kale oo uu ku furi karo cutubka doorashada Golaha Shacabka.

Isagoo xalay hadal ka jeedinayey kulan loogu mahad celinayey xubnihii dowladda ku matalayey kulankii maxkamadda Adduunka ee Soomaaliya loogu xukumay badda ayuu Rooble sheegay inuu ballan-qaad ka heysto Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahadi Guuleed, ballankaas oo ah inay asbuucaan diyaar garoobayaan kadibna ay asbuuc xiga bilaabi doonaan doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Reer Woqooyiga.

Reer woqooyiga ayaa lagu ammaanay sidey usoo afjareen khilaafkii mudada u dhaxeeyey una qabteen doorashadii Aqalka Sare.

Rooble awoodda doorasho ee qura ee uu illaa iyo hadda heysto ama cidda uu maamul iyo talo toos ah ugu leeyahay waa Reer Woqooyiga, doorashada Aqalka Hoose ee Maamul Goboleedyada ugama furno Ra’iisul Wasaare Rooble wax aan baaq aheyn iyaguna uma muuqdaan kuwa diyaar u ah baaqa Ra’isulwasaaraha.

Haddii ay dhab noqoto sida uu sheegayo Rooble oo asbuuca dambe la billaabo doorashada Aqalka Hoose ee Reer Woqooyiga, waxaa halkaas maamul Goboleedyada qaar uga dhiman doono qorshihii ay ku doonayeen in wax laga badalo heshiiskii 17-ka September, gaar ahaan qodobka deegaan doorashada, waxayna ka dhigan tahay inay doorashada toos u billaaban doonto.

Inkastoo maamul Goboleedyada aysan macno weyn u sameeneyn doorashada xubnaha Reer wooqyiga ee Muqdisho taalo, haddana haddii lagu guuleysto in la bilaabo waa astaan muujin doonta in la galay jawi doorasho oo aan dib loo laaban karin balse la daahin karo.

Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu wajahayaa cadaadis caalami ah, sidoo kalana waxaa cadaadis kan lamid ah wajahaya madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna madaxweyne Farmaajo u hangal taagayaa inuu mar kale helo awooddii maamulka doorashada haddii uu Rooble awoodi waayo inuu maamul Goboleedyada ku qanciyo inay si deg deg ah u qabtaan doorashada.