Xog: Xubno kale oo ku lug yeeshay xiisadda Cumaan Xaadoole iyo Saney Cabdulle

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Inkasta oo ay degan tahay xaaladda Xaafadaha Kaaraan iyo Gubadley oo ay ku dagaalameen ciidamo taabacsan Gaashaanle sare Saney Cabdulle iyo Gaashaanle sare Cusmaan Xaadoole oo labaduba ka tirsan saraakiisha Militariga Soomaaliya, haddana waxaa weli la dareemayaa abaabul dagaal iyo hub aruursi..

Weli xal lagama gaarin colaadii dhex martay labadaan sarkaal, waxaana weli is horfadhiyo ciidamadii dagaalamay, balse waxaa labadaba dul saaran amar uu bixiyey taliyaha ciidamada Xogga  dalka Genera Odawaa Yuusuf Aadan oo safar ugu maqan deegaanada maamulka Galmudug.

Taliyaha ciidamada xogga dalka ayaa loo xil saaray inuu kala qaado ciidamadii dagaalamay kuwaas oo ku wada sugan deegaanka Gubadley ee duleedka Muqdisho lana xaliyo dhibaatadii ka dhacday deegaanka, balse wuxuu u baxay safar lama filaan ah, waxaana dib loo dhigay wada-hadaladii laga dhex sameyn lahaa labada sarkaal.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in labada sarkaal ay heleen gurmad ciidan oo xooggan, waxaana dagaalka gadaal ka riixaya siyaasiyiin xilal sare kasoo qabtay dalka oo ay ku jiraan kuwa wasiiro soo noqday.

Sidoo kale, hurinta dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya.

Sida xogaha aan helnay ay sheegayaan, sababta ugu weyn ee dagaalka keentay ayaa ah gacan ku heynta Xaafadda Gubadley oo dhawaan la filayo inay noqoto degmo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qorshaha degmo looga dhigayo Gubadley waxaa sidoo kale ku lammaansan in iyagana degmooyin laga dhigo Garasbaaley iyo Daaru Salaam oo ah laba xaafad oo soo buuxiyey shuruudihii loogu mid noqon lahaa degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sarkaal kamid ah labadaba sarkaal ee isku hayo Gubadley ayaa ku doodayo in reerkiisa ay yihiin kuwa ugu badan ee ka xoogsado Gubadley sidaas darteedna uu isaga mudan yahay inuu hoggaamiyo dadaalada degmo looga dhigayo, halka sarkaalka kale uu ku doodayo inuu ka shaqeeyey ammaanka Gubadley iyo inay u diyaar garowdo kamid noqoshada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa ka gaabiyey doorkii ay aheyd inuu ka qaato dadaalada xalka loogu raadinayo dagaalka ka dhex qarxay labadaan sarkaal oo kala heysto ciidamo awood badan.