Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Shariif & Guudlaawe?

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Kulankaas ayaa caawa ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif, waxaana diiradda lagu saaray howlaha doorashooyinka dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhiirragaliyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe sidii uu u maareeyey doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee ka dhacday Jowhar, taas oo loo maamulay si ka duwan doorashooyinkii ka dhacay xarumaha dowlad goboleedyada kale.

“Waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe doorkiisa hogaamineed ee dhameystirka qabashada doorasho tartankeedu furan yahay oo ku dayasho mudan oo lagu doortay 8-da xubnood ee Aqalka sare ku matalaya dowlad goboleedka, doorashadani waxay ku soo aaddan 5 sano guurada ka soo wareegtay markii la dhisay Hirshabeelle, waxayna muujisay biseyl iyo horumar,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale ka wadahadlay dedajinta doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xoojinta hufnaanka hannaanka doorashada.

Doorashada dalka ayaa haatan ku jirta hakad aan la shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa, waxaana weli dhiman oo aan lasoo dooran lix ka mid golaha Aqalka Sare, sidoo kale weli lama bilaabin doorashada xildhibaanada golaha shacabka.