Warqad SIR ah: Somalia oo 4 gobol laga saarayo iyo madaxweyne dil qorsheysan loo diyaariyey !!

Muqdisho (Caasimadaa Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa in Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ay ku qaalqaalineyso hanashada qeybo kamid ah Gobolada dalkaa Somalia.

Warbixin lagu soo daabacay Websaite Caanka ah ee Wikilikes ayaa waxaa lagu sheegaay in Dowlada Sacuudiga ay faraha kula jirto arrimaha gaarka ah ee Somalia, waxa uuna Wikilikes soo bandhigay Dukumiintiyo sir ah oo muujinaaya Siyaasadda Dowladda Sucuudiga iyo Dowladaha Islaamka ah.

Dukumiintiyada Sirta ah ayaa waxaa ka mid ah faragalinta Sucuudiga ee wadamada Carabta iyo ku lug lahaanshaha Colaadaha ka jira Wadamada qaar waxaana kamid ah wadamadaasi Somalia, Yemen, Egypt, Iraq, Lebanon iyo Sudan.

Sidoo kale, waxa ay warbixintu xustay in Dowlada Sucuudiga ay dhamaan ku lug lahayd dhibaatada ka jirta Waddamadaasi kor lagu soo xusay.

Wikilikes, ayaa baahiyay in Dowlada Sacuudiga dhaqaale adag ku bixineyso kala qeybqeybinta dalka Somaalia, waxaana qoraalkaasi lagu cadeeyay in Sucuudiga uu gadaal kariixayo Qorshe Dalalka Ethiopia iyo Kenya lagu siinayo Gobolo ka mid ah Dalka.

Warbixinta si rasmi ah uma shaacin Gobollada ay kala qaadanayaan Ethiopia iyo Kenya oo lagu sheegay tirade Gobolada in ay yihiin 4 Gobol oo min Labo ay u kala qaadanayaan, sida lagu xusay Wikilikes.

Waxaa ay xogtu intaasi ku dartay in Ciidamo Dhallinayaro ah oo lagu Tababaray Gudaha Ethiopia iyo Kenya ay Labada Dalba ugu tala galeen in lagu sheego kuwo Soomaaliya ka Caawinaya la dagaallanka Argagixisa laakiin arrinka uu yahay mid xaqiiqda ka fog, waxaana Ciidamadaasi lagu doonayaa in lagu qabsado Gobolada ay labadaasi dal xalaaleysanayaan.

Dhanka kale, Siyaasadda Sucuudiga ee Afrika waxaa kale oo lagu sheegay in Sirdoonka Masar iyo Sudan ay iska kaashanayaan fal qaarijin ah oo loo geysto Madaxweynaha Koofurta Sudan Silva kiir, waxaana falkaasi fududeyn doono mid kamid ah Dowladaha saaxiibadda la ah South Sudan.

Halkan hoose ka arag warqadda Sacuudiga

saudi cables

Caasimadaa Online
Xafiiska Muqdisho
Caassimada@live.com