Taliyihii maamulka Puntland ee askarta badan la goostay oo war xasaasi ah soo saaray maanta !!

Muqdisho (Caasimadaa Online) – Gen Muxuyadiin Axmed Muuse oo ahaa Taliye ku-xigeenkii Ciidamada Puntland oo ay sida aadka ah u baadi goobayeen Ciidamada Maamulka ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Warbaahinta ka howlgasha gudaha Puntland.

Waxa uu sheegay in sababaha keenay in ay ka baxaan ciidamadiisa Puntland oo ay dagaan bariga gobalka Nugaal ay tahay mid la xiriirta kalsooni dari, waxa uuna sheegay in taasi ay ka dhalatay maamul xumida ka taagan Puntland.

Sababta ugu weyn ayuu ku sheegay inay tahay Gadood la xiriira mushaar la’aanta uu maamulka ku hayo Ciidamada xaqiijinaayay Amaanka, waxa uuna carabka ku dhuftay in Ciidamadu aysan shaqeyn Karin waa haddii aan la siin xuquuqdii ay ku lahaayen Maamulka taasina ay dhowr jeer ku celceliyeen balse aan wax laga qaban.

Wuxuu ku eedeyey Madaxweynuhu in uu yahay shaqsiga leh mas’uuliyada wixii ka dhacay deegaankaasi, isagoo shegay in ciidamo loo diray gurigiisii Garoowe loo geystay dhac.

Ciidamada uu hada haysto ayuu ku sheegay tiradooda dhawr boqol oo askari, wuxuuna sheegay in ciidamada Maamulka qaarkood la naas-nuujiyo oo ay helaan xaquuqo gaar ah oo uu Madaxweynuhu siiyo.

Mashaqadaan ayaa bilaabatay markii ciidamo uu hogaaminayo Muxudiin ay ka soo baxeen Galgala soona galeen Garoowe kadibna duurka u sii gudbeen markii ay ka warheleen in ciidamo uu soo direy Madaxweyne gaas ay iyaga raadinayaan.

Taliyaha wuxuu dhanka kale intaa ku daray in markii uu magaalada isaga baxay loo daba maray qoyskiisa islamarkaana xaaskiisa la jir diley .

Caasimadaa Online
Xafiiska Muqdisho
Caassimada@live.com