XOG: Xildhibaanada baarlamanka oo waqtiga loo kordhinayo, imisa sano? + Yaa ka dambeeya? !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa la filayaa in muddo korarsi laba sano ah ay helaan, sida xubno ka mid ah xildhibaanada ay u sheegeen Caasimada Online.

Xilliga xildhibaanada ee iminka oo afar sano ah ayaa ku eg 20-ka bisha August ee sanadka 2016-ka, oo iminka ay naga xigaan kaliya sanad iyo wax ka yar laba bil.

Waqti kordhinta cusub ee baarlamanka la siin doono, ayaa waxaa markii hore ku talo bixiyey ururka GURMAD, waxaana aqbalay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, sida xildhibaano ay u sheegen Caasimada Online.

Jawaari oo casho sharaf u sameeyey xildhibaanada ayaa ku war-geliyey in xaaladda jirta darteed aan laga fursan doonin in xildhibaanada waqtiga loo kordhiyo. Lama yaqaan waqtiga tallaabadan lagu dhaqaaqi doono.

Si kastaba waxa uu sheegay in dhamaan guddoonka baarlamanka iyo madaxda sare ee DF ay wajihi doonaan doorasho, oo aan waqtiga loo kordhin doonin.

Qorshaha hiigsiga cusub ayaa waxa uu markii hore in dalka ay ka dhacaan doorasho qof iyo cod ah 2016, balse sida hadda muuqata taasi ma suurta geli doonto. Waxaa la qorsheynayaa in baarlamanku sii jiro oo ay doortaan madaxweyne iyo guddoon cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com