Beesha Wacaysle iyo beelo hor leh oo ku biiraya shirka Dhuusamareeb ee Ahlu-Sunna (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegaya in Sideed kamid ah Beelaha ugu weyn Shirka Cadaado ay qaarkood gaaren Madasha uu ka furmaayo Shirka Ahlu Sunna ee Magaalada Dhuusamareebs.

Shirka Dhuusamareeb ayaa waxaa looga soo horjeeda kan heerka gabogabo ah ee ka socda Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Muxiyaddiin Cali Jimcaale “Jakuula” oo ah Afhayeenka Beesha Wacaysle ee ku sugan Degmada Cadaado, ayaa sheegay in isaga iyo xubno uu hogaaminaayo ay ka qeybgalayaan Shirka waxa uuna sheegay inay taagersan yihiin shirka.

Jakuula oo la hadlaayay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho, ayaa daaha ka rogay in casuumaad ka qeybgal ah ay ka heleen Hogaanka sare ee Ahlusuna islamarkaana ay gaarayaan Madasha shirka si ay u ajiibaan casuumaada loo fidiyay.

Waxa uu sidoo kale, cadeeyay in beelo farabadan ay ku biiren shirka, waxa uuna taasi ku micneeyay faragalinta lagu hayo shirka ka socda Magaalada Cadaado oo inta bada Ergooyinka lagu jahwareeriyay.

Burcad dhaqameed ayuu sheegay inay boobeen kaalintii Odayaal dhaqmeedka ay ku lahaayen Shirka Cadaado taasina ay tahay sababta kaliya oo ay shirka uga baxayaan.

Dhanka kale, ilaa Sideed Beel oo kamid ah kuwa ugu tunka weyn ayaa ka marti qaadan Shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna cadeeyen inay isaga baxayaan shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com