Xog: Ethiopia oo eedeyn halis ah u jeedisay Diini

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo aan ka heleyno dhanka Xubno ka kala tirsan Xukuumada iyo BF Somalia, ayaa sheegeysa in Dowlada Ethiopia ay ku dheggan tahay Wasiirka Gaashandhiga Somalia C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Ethiopia oo dooneysa in Diini xilka laga qaado, ayaa ku andacootay in Wasiir Diini uu hubeeyay Ciidamada Militeriga Col Barre Hiiraale ee ku sugan Deegaanka Goobweyn, waxaana la sheegayaa in badankooda uu ku biiriyay Ciidamada la mideynaayo oo ay dhawaan DF Somalia ballan qaaday inay ka dhigeyso Ciidammo isku dhafan oo hal Taliye ka amarqaata.

Dowlada Ethiopia ayaa ku doodeyso in Ciidamada Barre Hiiraale aysan raacsaneyn dhinac, isslamarkaana ay yihiin kuwo si cad u taageera beel gaar ah, sidaa darteedna aysan suuragal aheyn in Wasiir Diini uu ka weecdo nidaamka Wasaarada.

Ujeedka Wasiir Diini uu Ciidamada Barre u daneynaayo ayaa lagu sheegay in Maamulka Jubbaland aysan dhameystirin tiradii Ciidan ee looga baahnaa sidaa awgeedna uu Ciidammada daacada u ah Barre Hiiraale ugu daray kuwa kamid noqonaayo Qaranka.

Ciidamada Barre Hiiraale uga mid noqon doono kuwa isku dhafka ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 200 kuwaasi oo iminka lagu biiriyay kuwa ku jira Xerada loo diyaariyay in lagu uruuriyo kuwa Maamulka Jubbalandd oo ku taalla duleedka Magaalada Kismaayo.

Geesta kale, Dowlada Ethiopia ayaa aad kaga soo horjeeda in Ciidamada Barre Hiiraale loo aqoonsado Ciidamo Qaran, waxa uuna qorshaheedu yahay kaliya in kuwa la qarameynaayo lagu soo kobo kuwa daacada u ah Axmed Madoobe ee leysku dhaho Ciidamada ‘’Raaskambooni’’.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com