GUULEED oo farqaya dhaqaalihii DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga C/karin Xusein Gulleed ayaa la soo warinayaa in bishii ay ku baxdo dhaqaale adag oo uu ka dhex maamusho Qasnada DF Somalia isaga oo adeegsanaayo awooda Madaxweyne Xassan Sheekh oo saaxib dhow la ah.

Ilo wareed ku dhow dhow Gulleed ayaa Caasimada Online u xaqiijiya in C/kariin uu dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo booqashada uu ku imaanayo Magaalada Muqdisho iyo xiliga uu dib ugu laabanaayo Magaalada Cadaado.

Diyaarada nooca yaryar ee rakaabka ayuu ku bixiyaa lacag dhan 40,000$ xiliga oo socdaalka kusoo gaarayo Magaalaada Muqdisho, isagoona noqoshadiisa mar kale ku kireysanaayo lacag intaasi dhan.

Diyaaraada ayaa la soo warinayaa inay tahaay mid kaliya u kireysan isaga iyo Mas’uuliyiinta gaarka ah ee la socta, waxaana intaasi dheer lacago kor u dhaafayo 50,000 taasi oo uu ku kala maareeyo shaqsiyaadka ka caawiya dhanka Siyaasada iyo Ololaha doorasho, iyadoona ay jiraan lacago gaar gaar aah oo uu ku bixiyo Ergooyinka uu ka doonaayo Codka.

Bil waliba ayaa waxaa la sheegayaa inay ku baxdo lacago dhan 200,000$ taasi oo laga saaro Qasnada DF Somalia iyadoo fududeynteeda uu ballan qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud si Gulleed uu ugu guuleysto Doorashada Maamulka Cusub ee loo dhisaayo Gobolada Dhexe.

Isticmaalka lacagahaasi ayaa imaaneysa iyadoo Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay la dhutineyso dhaqaale xumi, halka shaqsiyaadka ku dhow dhow Madaxweynuhuna ay isticmaalayaan dhaqaalaha ugu badan.

Dhanka kale, C/kariin Gulleed ayaa dhowr jeer oo sii horeysay ku fashilmay Siyaasada Somalia, waxa uuna iminka haminayaaa inuu hogaanka u qabto Bulshada ku nool Gobolada Dhexe ee dalka, inkastoo ay kasoo horjeedan Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com