Hormuud Foundation oo deeq geysay isbitaalada

Hey’adda Hormuud Foundation oo weli wada kaalmada ay bisha Ramadaan gaarsiineyso dadka jilicsan si ay afur uga dhigtaan ayaa maanta waxay deeqo isugu jira raashin iyo lacag gaarsiisay bukaanada ku jira isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Hay’ada Hormuud Foundation ayaa ka hor inta aysan gaarsiin isbitaalada deeqda waxay kulan la qaateen agaasimayaasha shan isbitaal oo kala ah Madiina, Banaadir, dayniile, Keydsaney iyo Laasareeti iyagoo kala hadlay qaabkii loo gaarsiin lahaa bukaanada deeqda loogu tala galay.

Maamulaha Hormuud Foundation Muuse Axmed Nuur oo ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu sheegay inay ugu talo galeen bukaanada jiifa isbitaaladaa shanta ah min 100 Dollar sidoo kalena shaqaalaha ay iyana lacago afur ah ugu talo galeen.

“Waxaan siinay kastoo Bukaan ah $100 dollar shaqaalahana maadaama aysan mushahar qaadanin anaguna wixii aan ugu talo galnay ay xadidan yihiin hadana shaqaalihii ay tira badan yihiin ayaa arintaasi waxaay keentay inaan gacanta aan wada gaarsiino shaqaalaha marka qofka shaqaalaha ah $20 dollar oo afur uu ka dhigto ayaan ugu talo galnay” ayuu yiri Muuse.

Maamulayaasha isbitaalada ayaa waxay aad ugu mahad naqeen Shirkada Hormuud sida ay u caawineyso dadka danyarta ah ee u baahan gacanta walaalahood kale ee ILAAHAY wax siiyey.

Sidoo kale bukaanada lacagta loo qeybiyey ayaa iyana ku farxay kaalmada ay ka heleen Hormuud Foundation, waxayna ugu duceeyeen inuu ILAAHAY wax ka qeyr badan ugu bedelo waxa ay la baxeen.

Marka laga reebo isbitaalka Banaadir isbitaalada kale waxaa bukaanka iyo shaqaalaha ay mas’uuliyiinta Hormuud Foundation gacantooda ku siinayeen lacag boqol dollar ah qof kasta oo bukaan ah hase yeeshee isbitaalka Banaadir isaga lacagtiisa waxaa loogu iibiyay raashin iyo shidaal sida uu mar kale sheegayo Muuse Axmed Nuur.

“Isbitaalka Banaadir oo bukaankiisu badan yahay waxaan isaga siinay boqol loor oo bariis ah boqol loor oo bur ah boqol loor oo sokor ah kun liitar oo saliid ah kun iyo lix boqol oo Kiilo oo timir ah boqol gasac oo cabitaan ah toban jawaan oo caleen ah lixdan fuusto oo shidaal ah iyo sadax kun oo dollar oo iidaan ah” ayuu yiri Muuse.

Hormuud Foundation oo ah hey’ad dhinaca samafalka bulshada ugu qaabilsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa deeq kala duwan oo ay ku taageerayaan dadka jilicsan waxay bishan Ramadaan gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe, boqolaal naafo ah oo ay ku jiraan kuwa isbitaalka Martiini iyo meelo kale, iyadoo hey’addu ugu talo gashay iney afur ka dhigtaan.

hormuud (1)hormuud (2)hormuud (3)hormuud (4)hormuud (5)hormuud (7)