24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Danjire AXMED Cabdisalaan oo sameeyey dalab yaab leh oo ku saabsan shirka Cadado ka socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Musharraxa Madaxweeyne ee Doowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdisalaam ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan shirka uga soo qeyb-geliso Ahlu Sunna Waljamaaca.

Musharax Axmed ayaa sheegay in Ahlu Sunna Waljamaaca halgan adag ay u soo gashay xorreynta iyo mideeynta shacabka Goboladda dhexe isla-markaanna aysan habooneyn in Dowladda federaalka ka gaabiso fulinta heshiisyadii Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

“Suurto-gal maaha inaan iska indho-tirno halganka Ahlu Sunna iyo muhiimadda ay u leeyihiin in maamul rasmi ah uu ka hana qaado Goboladda dhexe, Dowladda Federaalka waxaan uga digayaa in Ahlu-Sunna la’aanteed shirkaan Cadaado uu sii socdo, waa in laga soo qeyb geliyaa, waan hubaa in dhankooda diyaar u yihiin heshiiska” ayuu yiri Musharax Axmed Cabdisalaam.

Ugu dambeeyntii Musharrax Axmed Cabdisalaam ayaa u hambalyeeyey Baarlmaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo shalay fadhigoodii ugu horreeyey ku yeeshay degmadda Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News