Safiirkii TURKIGA oo xil uusan fileynin loo ballan qaaday & Shariif Xasan oo raali ka noqday Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynaayo in Danjirihii hore ee Somalia u fadhiyay dalka Turkiga Maxamed C/raxmaan Mursal loo magacaabo xil cusub.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mursal loo ballan qaaday in laga dhigi doono Wasiirka Maaliyada DF Somalia, isagoona lagu bedeli doono xilka uu iminka hayo Maxamed Aden Ibraahim Fargeeti.

Maxamed C/raxmaan Mursal oo dhawaan laga qaaday xilkii Safiirnimo ayaa waxaa lagu raali galinayaa Wasaarada Maaliyada, kadib markii Shariif Xassan uu Maddaxweyne Xassan kaga caarooday xil ka qaadista Mursal oo asal ahaantiisa Siyaasada Somalia kasoo galay dhanka Shariif Xassan oo miisaan culus ku dhex leh Siyaasada ka jirta Somalia.

Fargeeti ayaa isagana la filayaa in loo magacaabo Wasaarad kale inkastoo aan weli la ogeyn mida ay noqon doonto wasaaradaasi.

Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul Wasaare Cumar ayaa isla qaada dhigay in isbedel lagu sameeyo Xubnaha Wasiirada ee kamidka ah Xukuumada Somalia.

Dhanka kale, qorshahaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Madaxweyne Xassan uu dhawaan shaaciyay in Xukuumadu ay bedeli doonto Wasiirkii aan kasoo dhalaalin howshiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com