Ahlu-Suna oo ku dhowaaqday goorta iyo goobta shirka ay maamulka ugu dhisayaan sadex gobol

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu sunna ee heysata degaano ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa uga dhawaaqay shir ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb waqti uu furmi doono shir ay sheegeen in maamul goboleed loogu sameynayo saddexda gobol ee Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan.

Mas’uuliyiinta Ahlu Suna shaaciyay in 26-ka Bisha June  uu furmi doono Shir ay iyaga qabanqaabiyeen oo Maamulka loogu dhisayo saddexdaas gobol, waxayna caddeeyeen in wufuuda kala duwan ee shirkaas ka qeyb galeysa loo diyaariyay goobihii ay degi lahaayeen, oo ka tirsan magaalada Dhuusomareeb

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo uu socdo shirka Cadaado ee maamulka loogu sameynayo Mudug iyo Galgaduud, waxaana lagu wadaa in la doorto guddoon Baarlamaan iyo madaxweyne inta aysan bishan dhammaan.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com