Xog: Xulista baarlamaanka maamulka KOONFUR GALBEED oo Khilaaf culus uu ka taagan yahay !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wararka laga helaayo Magaalada Baydhaba ay sheegayaan in muddo Afar bilood ah dib loo dhigay Xulista Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed oo ka socota Magaalada Baydhaba.

Malaaq Cali Cabdi Nuur Booroow oo ka mid ah Odayaasha Xulaya Xubnaha Baarlamaanka, ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay wax kama jiraan, waxa uuna sheegay in Xulista Baarlamaanka ay si hoose u socto, islamarkaana ay jiraan Odayaal kasoo horjeeda Xulista oo war xumo tashiil ku baahinaayo warbaahinta.

Waxa uu sheegay inay jiraan Beelo iska soo horjeeda oo carqalad ku hayo Shirka, kuwaasi oo uu sheegay inay mudan yihiin in wax laga qabto.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Xulista Baarlamaanka KG uusan u hakan doonin beel gaar ah, ujeedkooduna uu yahay sidii meesha looga saari lahaa Khilaafyada iminka soo cusboonaanaayo.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Dadka aan Xildhibaanada ku lahayn Dowladda dhexe si gaar ah fiirin doono iyada oo aan cidna laga tagin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com