Sirdoonka CIA-da oo tababar cajiib ah siinaaya dhalinyaro ka tirsan Sirdoonka Somalia (Muxuu yahay?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay tababar u bilaabi doonto dhalinyaro ka tirsan Sirdoonka Somalia.

Dhalinyaradaani ayaa la sheegay in lasiin doono tababar dhanka ka hortaga lacagaha dollarka ee been abuurka ah, si loo kala saaro lacagaha fiican iyo kuwa faalsada ah.

Telefishinka CNBC ee dalka Maraykanka ayaa shaaciyey in Ciidanka Sirdoonka Mareykanka qorshahooda qeyb ka yahay sidii Saraakiisha Maaliyadda iyo kuwa Sirdoonka Somalia loo bari lahaa Teknoolajiyadda lagu ogaan karo Lacagaha Dollarka Maraykanka ee la been abuuray.

Sargaal u waramaayay CNBCTV ayaa sheegay in tababarkaasi ay bixin doonaan Saraakiil ka tirsan Sirdoonka CIA-da.

Waxa uu Sargaalka sheegay in Saraakiisha CIA-da ee bixin doona tababarka ay caawinaad ka heli doonaan Howlwadeeno ka tirsan Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF).

Dhalinyarada Soomaalida ah ee loo tababari doono kala sifeynta lacagaha doolarka ah, ayaa si gaara looga soo dhex xuli doonaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA.

Hay’adda IMF ayaa horey u sheegtay in 98% Lacagaha Shillin Soomaaliga ee haatan la isticmaalo yihiin kuwo Macmal ah oo la been abuuray.

Somalia ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u habayn lahayd Nidaamka Lacagaha, waxayna Somalia ka mid tahay dalalka ugu saboolsan Caalaqmka, sida lagu xusay Xogta Bangiga Adduunka.

Geesta kale, Hay’adda La-socota Hufnaanta ee Transparency International waxay Somalia ku tilmaamtay dalka kaalinta ugu hooseysa kaga jira Waddamadda ugu musuqa badan Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com