Sawiro: Maxay ka wada hadleyn Farmaajo iyo xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta garroonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska  Boris Johnson oo saaka soo gaaray gudaha dalka.

Xoghayaha oo saaka socdaal aan horay loo sii shaacin ku yimid Muqdisho,waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay  mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo xog ayaa wada qaatay kulan khaas ah oo la iskula soo hadal qaaday arrimo badan oo ku aadan Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wadahadleen, arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan xoojiinta xiriirka  laba dal ,dardargalinta taageeerada wax ku oolka ah ee Ingiriisku siiyo dowladda Soomaaliya iyo taakuleynta howlaha samofal ee xaaladda abaareed ee ka jirta dalka.

Madaxweynaha ayaa xoghayaha Arrimaha dibadda ee Ingiriiska ka codsaday inay dowladiisa ka qeyb qaadato gargaarka loo fidinayo dadka ay saameysay abaaraha ee ku sugan gobolo badan oo ka tirsan Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, ayaa la sheegay inuuu balan qaaday in dowladiisu ay ka qayb qaadaneyso samato bixinta dadka ay abaarta saameynta ku yeelatay iyo sdii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa malaayiinka qof ee kaalmada u baahan.

Ujeedka imaanshiyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska Boris Johnson, ayaa lagu macneeyay sidii uu ugu kuur gali lahaa xaaladda dhabta ah e ka jirta.

Xoghayaha ayaa Muqdisho uga dhawaaqay inay dowladda Ingiriiska 100 Milyan siineyso Soomaaliya si wax looga qabto abaaraha  saameynta ku yeeshay Shacabka Soomaaliyeed

Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlay ,shirka London  ee bisha May ka dhici doona, kaas oo la xiriira  arrimaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com