Dawlad sal-balaaran iyo Dawlad madax balaaran midee baa u roon Shacbiga soomaaliyeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ayaa noqonayaa, Wasiiru Dawle ayaa la ii magacaabayaa, Wasiir ku xigeen ayaa la iga balan qaaday iyo hadalo kale oo u badan faan iyo is tus-tus ayaa laga helayaa ragga iyo hablaha rajada ka leh inay ku soo baxaan liiska Golaha Wasiirada cusub, in ku dhaw Boqol {100} xubnood oo isugu jira Wasiiro, Wasiiru Dawlayaal, iyo Wasiir ku xigeeno ayaa la hadal hayaa inay ka koobnaan doonto xukuumadda la sugayo ku dhawaaqisteeda.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamaya in la isku afgartey dhismaha Dawlad Sal balaaran ama mid Madax balaaran si loo qanciyo beelaha Soomaaliyeed, is fahamka madaxda Qaranka ayaa dhigaya in tirada Wasiirada la gaarsiiyo 70-xubnood oo isugu jira Soddon Wasiir, Soddon Wasiir ku xigeen iyo Tobban Wasiiru Dawlayaal, beel walba ayaa loo qorsheeyay inay hesho Lix {6} Wasiir, Lix {6} Wasiir ku xigeen iyo Labba {2} Wasiiru Dawlayaal noqonaya.

La yaab ayay beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ku noqotey Wasiiradaasi faraha badan ee la sameynayo, Wasaarado faaruq ah oo aan macno badan laheyn ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo, Wasaaradda Aafooyinka, Wasaaradda Qurba joogta iyo Jaalliyadaha Dibadda, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Maalgashiga, Wasaaradda Duur joogta iyo Wasaarado kale oo aan faa’iido laheyn ayaa la filayaa in loo magacaabo Wasiiro lagu raali galinayo beelahooda.

Haddaba Dawladaan loogu wanqalay Sal balaar ama Madax balaar si loo raali galiyo beelaha oo kaliya, ma noqon doontaa mid u roon shacbiga Soomaaliyeed? Fadlan nala wadaag ra’yigaaga…

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com