Sawiro: Farmaajo oo ku guuleystay inuu arrin farxad leh ka sameeyo xabsiga dhexe taasoo ay ku guul dareysteen madaxdii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan kormeer ku tagay xabsiga dhexe ee Muqdisho markaas oo uu soo booqday dadka ku xiran xabsiga, wuxuuna qiimeyn weyn ku sameeyey dhanka caafimaad oo la sheegay inay dhawr jeer dad ku dhinteyn xabsiga dhexdiisa.

Haddaba madaxweynaha ayaa markii uu halkaas tagay amray in si deg deg ah uu taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed uga  sameeyo xabsiga dhexdiisa xarun Caafimaad oo lagu daaweenayo dadka xabsiga ku xiran.

Haddaba Taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ka jawaabayo amarka madaxweynaha ayaa xariga ka jaray xarun caafimaad oo xabsiga dhexe ee Xamar laga hirgaliyey, waxaana xaruntan caafimaad yaala Qalabka lagu baaro cudurada kala duwan gaar ahaan T.P da, iyadoo Maxbuuskii laga helo cudurkan la siinayo daawooyinkii loogu talagalay.

Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya, taliska ciidamada asluubta Soomaaliyeed iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaana iska kaashaday hirgalinta xaruntan caafimaad.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,  Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Xaruntan Caafimaad loogu tala galay in lagu daweeyo maxaabiista iyo skarta ciidanka asluubta Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dhaqaatiirta ka shaqeyneyso ay ka tirsan yihiin  Ciidanka Asluubta, ayna aqoon u leeyihiin caafimaadka.

Amarka uu bixiyey madaxweynaha iyo sida uu taliyaha asluubta durba uga jawaabay ayaa muujineyso sida ay dowladda cusub uga go’an tahay inay wadanka wax badan ka badasho  waxaana arrintaas si weyn usoo dhaweeyey shacabka kala duwan ee ku nool Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sameenayo tallaabo kasta oo uu kusoo jiidan karo shacabka Muqdisho si ay dowladiisa u noqot mid waxyar leh oo wadanka wax badan kuso kodhiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com