Warar cusub oo laga helay wasiirada, Farmaajo iyo Kheyre oo go’aan lama filaan ah qaatay 

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeyso isisoo tarayo wararka laga helayo xulista golaha wasiirada waxaana hadda Caasimadda Online soo gaaray warbixin oo ku saabsan cidda kasoo muuqan doonto Golaha wasiirada.

Xogta ay heshay Caasimadda ayaa muujineyso in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ay si lama filaan ah uga noqdeyn go’aan ay horey u gaareyn.

Madaxwyenaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa horey go’aan ugu gaaray inaysan golaha wasiirada kasoo Muuqan shaqisyaad ka mid ah Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya oo ay k utilmameyn inaysan macquul aheyn arrintaa.

Haddaba madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa arrintaas waxaa kasoo wajahay culeys badan oo keentay inay dib uga fiirsadaan arrintaas waxayna ugu dambeyntii aqbaleyn inay Baarlamaanka Soomaaliya kasoo muuqdaan golaha wasiirada ee dhawaan lagu dhawaaqo doono.

Labada hogaamiye  ayaa la sheegay in ay  aqbaleen go’aanka Golaha Wasiirada loogu biirinaayo Xildhibaanada Baarlamaanka kadib markii ay gadoodeen Xildhibaanadii codka siiyay, waxaana la xaqiijiyey inay liiska wasiirada kasoo muuqan doonaan ilaa lix xildhibaan oo ka trisan Baarlamaanka.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa horay u go’aamiyay in Xildhibaanada labada Aqal ay ka soomi doonaan kamid noqoshada Golaha Wasiirada, inkastoo sababo jira darteed tirro Xildhibaano ah ay uga mid noqon doonaan Golaha Wasiirada, waxayna noqotay tallaabo lama filaan ah oo uu madaxweynaha qaatay.

Waxaa macquul ah inay wasiirada kasoo muuqdaay XIldhibaan horey xilal uga soo qabtay dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee uu Xasan Shiikh Madaxweynaha u ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com