Xog: Halkee ayuu ku danbeeyay Tarsan kadib guul daridii ka raacday doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Mohamud Ahmed Nur Tarsan uu kamid noqday Siyaasiyiinta sida dhow ula shaqeysa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Tarsan oo kamid ahaa Musharaxiintii loolanka kula jiray Farmaajo ayaa iminka noqday shaqsiga kaliya ee uu wax ka maqlo Madaxweynaha waxa uuna ka caawiyaa dhinacyada Siyaasada iyo Bulshada.

Tarsan oo ah rafiiqa koowaad ee Madaxweynaha ayaa baadi goob ugu jira xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si uu qeyb uga noqdo isbedelka dalka.

Tarsan ayaa helida xilkaasi u kaashanaaya Mas’uuliyiin dhowr ah, inkastoo uu iska iibiyay Madaxweynaha haddana waxaa xilkaasi ku heysta Musharax kamid ahaa Musharaxiintii laga guuleystay.

Madaxweynaha ayaa isna doonaaya in Tarsan uu kasii mid ahaado shaqsiyaadka garabka ka siiya arrimaha Siyaasada, waxaana xusid mudan in Tarsan uu heebad u leeyahay la dhaqanka iyo kasbashada Bulshada.

Tarsan waxa uu si KMG ah ula sii shaqeyn doonaa Madaxweynaha waxaana suuragal ah inay ku kala tagaan Siyaasada waa haddii uu waayo xilka uu iminka doonaayo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa qudhiisa xilkaasi la doonaayo Siyaasi kale, waxaana adag in la ogaado qorshaha dhabta ah ee uu Madaxweynaha ka damacsan yahay Tarsan.

Caaasimada Onlie
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com