Arrimo xasaasi ah oo kasoo kordhay jabsashadii xafiiska hanti dhowraha iyo noocyada documentiyada la qaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la jabsaday xafiiska Hanti dhawrahaqaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo lagala baxay Dukumiintiyo dhowr ah, waxayna midaas keentay inay kulan xasaasi ah yeeshaan madaxweynaha iyo hanta dhawraha.

Madaxweynaha ayaa amray in lasoo baaro dadka jabsaday xafiiska iyo ujeedka rasmig ah oo ay arintaan ka leeyihiin.

Arrinta xafiiskaan ayaa waxaa lo qabtay shaqsiyad gaarayo ilaa sideed ruux oo kamid ah shaqaalihii dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud iyo howlwadeenada xafiiska.

Wararkii ugu dambeeyey ee soo garayo xafiiska warqabadka caasimada Online ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo in Documentiyada laga qaatay xafiiska ay kamid yihiin kuwa ku aadan kiisas dhul la boobay oo loo heystay qaar ka tirsan XIldhibanaadii hore.

Waxaa hadda hey’adda sirdoonka ay wadaa baaritaano ay ku heyso qaar kamid ah xildhibanadii hore ee Soomaaliya waxaana laga yaabaa in qaarkood lasoo taago maxkamad si wax looga waydiiyo arrintaan.

Waxa uu sheegay hantida dhawraha in Kiiskaasi loo qabtay Shaqsiyaad uusan carabaabin, balse xog aan helnay ayaa sheegeysan in shaqsiyaadka la qabtay ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Dowlada.

Jabsashada xafiiskaan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan madaxtooyada Soomaaliya wuxuuna madaxweynaha arrintaan u saaray guddi xaqiiqo raadin iyo baaritaan isugu jiro waxaana la filayaa inay dhawaan dowladda soo saarto waraaq ay arrintaas kaga hadleyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com