Farmaajo oo garab istaagay Erdogan iyo Soomaaliya oo laga yaabo inay xiriirka u jarto dowlado dhawr ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho hadal heynta ugu badan ay noqotay war la sheegay inuu kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, kaasoo ku aadan in dowladda Soomaaliya ay Turkiga ku garab istaagtay loolanka ay kula jirto dowlado badan oo ka tirsan midowga Yurub.

Dowladda Turkiga ayaa meeshii ugu dambeysay kala mareyso dowladda Holland oo ah mid ka mid ah dowladaha ugu saameynta badan Yurub waxaana maalmihii ugu dambeeyey xumaaday xiriirkooda.

Waxaa Muqdisho lagu hadal hayaa waraaq qoraal ah oo la sheegay inay soo saartay Safaaradda Turkiga taasoo lagu sheegay in dowladda Farmaajo ay Erdogan ku taageertay colaada kala dhaxeyso Yurub.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Farmaajo ayaa dhigiisa Turki Erdogan ku taageeraya xataa haddii uu xiriirka u jaro dalka yurub sidaas waxaa faafisay mid kamid ah idaacadaha ka howlgalo magaalada Muqdisho.

Inkastoo aysan safaaradda si rasmi ah saxaafadda ugu soo bandhigin waraaqda la sheegay inay soo saartay, haddana haddii ay run noqoto midaas waxaa laga yaabaa inay dhaawacdo dowladda cusub ee Soomaaliya oo aan weli helin taageero iyo siyaasad fadhiso.

Turkiga ayaa dagaal siyaasadeed kula jiro dowlado dhawr ah oo ka tirsan midowga Yurub waxaana ugu horreeyo  dowladaha Holland, Germani, Belgium iyo kuwa kale.

Turkiga ayaa dhawaan xiriirka u jartay dowldda Holland oo diiday in dadka kasoo jeedo Turkiga ay banaanbax ka dhigaan halkaas iyagoo taagerayo awoodda loo kordhinayo Erdogan oo la filayo in dhawaan afti loo qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com