Sirdoonka UK oo shaaciyey sir ay ka hayeen Somalia tan iyo 1960-kii (Aqri)

London (Caasimada Online) – Qoraal xasaasi ah oo taariikhi ah oo ay horey u diyaariyeen Sirdoonka Ingiriiska bilo kahor markii Soomaaliya xoriyada qaadatay ee 1960kii ayaa markii ugu horeysay loo shaaciyey shacabka dalka Ingiriiska.

Qoraaladan ayaa waxaa kamid ahaa xog aruurin ay sirdoonka Ingiriiska 1960kii ka sameeyeen wadanka Soomaaliya iyo waxa la filayey kadib marka Soomaaliya xoriyada qaadato.

Warbixintan ayaa waxyaabaha lagu qoray kamid ahaa “..Midnimada Soomaaliya oo mid aan cago adag ku taagneyn, bulshada Soomaaliyeedna waa kuwo aan wadaniyiin ahayn balse taageerada ugu weyn u haya Qabaa’ilkooda iyo reerahooda…”

Qoraalkan sirta ah ee la qoray 1960kii waxaa diyaariyey guddiga Guddiga Sare ee Sirdoonka Ingiriiska [the joint intelligence committee] waxayna sanadkii 1960kii kasii digeen in dalka Soomaaliya la filayo inay ka dhacaan dagaalo sokeeyo oo qabaa’il salka ku haya.
“…Walow midnimada Soomaaliya ay jirto “Qiiro” xoogleh oo loo qabo, hase yeeshee Soomaalidu waxay wax walba ka hormariyaan Qabiilka iyo Danaha reerahooda…”

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Beelaha Soomaalida sida Daaroodka, Hawiya iyo Digil-Rahanweyn ay yihiin kuwo awoodleh, waxaana dhici karta in qaar kamid ah beelahan ay dagaal u horseedaan dalka Soomaaliya.

The report noted three key tribal groupings, the Hawiye, the Darod and the Digil-Rahanweyn.

“The posssibility should not, however, be discounted that one of the three groups might resort to violence, and that Somalia might lapse into anarchy and tribal warfare.”

Waxaa sidoo kale qoraalkaasi la shaaciyey ku qornaa in dowlada ka dhalan doonta Soomaaliya la filayey xiligaasi inay qaadato Siyaasada ah Soomaali-Weyn ama Wadaniyad, marka loo bar bardhigo maalmulkii xiligaasi jiray.

“Any successor Government would be likely to be more nationalistic in character than the existing regime,” the report noted.

Qoraalada sirdoonka Reer Galbeedka ayaa waxaa inta badan la shaaciyaa marka wakhti dheer laga soo wareego, waxaana inta badan sharciyada wadamada Qaarkood u yaal ay tahay in qoraalada la qoray 50 sano kahor ee sirta u ahaa in shacabka loo shaacin karo, balse waxaa qoraaladaasi la mariyaa kahor intaan la shaacin tafaftir xoogan.

Kaydka qaranka (National Archive) ee dalka Ingiriiska ayaa ah goobta xaquuqda loo siiyo keydinta xogta ay gadaal ka shaaciyaan hay’adaha dowlada sida sirdoonka.

Isha: HM