Sirta socdaalka Xasan Sheikh iyo Yoolka Yuweri Museveni! “XOG”

Waxaa magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda gaaray madaxweynaha Somalia Xasan Shekh Maxamuud oo marti qaad ka hellay sida uu sheegay Dhigiisa dalka Uganda Yuweri Musevani waxana uu ka qeyb galayaa munaasabad sanad guurada 50-aad ee kasoo wareegay markii xurnimada dalka Uganda ay ka qaateen dalka ingiriiska.

Madaxweynaha Somalia safarka uu ku aaday Kampala kaliya ma ahan inuu ka qeyb galo xurnimada Uganda laakin waxaa jira siro qarsoon oo ku aadan safarkiisa.

Madaxweyne Prof.Xasan Sheekh ayaa marka laga tago ka qeyb galka munaasabadda sanad guurada waxaa jira kulan gaar ah oo uu la yeelanayo Yuweri Musavani waxaana kulankaas uu yahay mid si qarsoodi ah ku dhacaya oo looga hadlayo arrimo dhowr ah sida Kenya iyo Ethiopia oo haatan culees siyaasadeed uu kala kulmayo Yuweri Musavani oo odey ka ahaa xureeynta Somalia.

Waxaa jira loolan siyaasadeed oo Uganda kala kulmayso dalka Kenya oo ciidamadayda ay gudaha u soo galeen Somalia sanadkii lasoo dhaafay isla markasna ay gacanta ku dhigeen magaalo dekadeedka Kismaayo halkaas oo ay haatan gacanta si buuxda ugu hayaan ciidamada dalka Kenya.

Yuweri Musavani ayaa arrinta walaaca ku hayso waxaa ay tahay inay Kenya gudaha u soo galisay ciidamo tira ahaan ku dhow kuwa Uganda ka joogay Somalia isla markaasna ay la wadaagto Magaca Amisom taas oo ay u sii dheertahay in dalkeeda lagu soo dhisayo maamul la sheegay in loo sameenayo gobolada Jubbooyinka+inay ceelal shidaal ay ka samaysanayso isla markaasna ay rabto inay beel gaar ah u dhiibto maamulka dekadda iyo magalada Kismaayo si ay saamayn ugu sii lahaato dalka Somalia.

Dhanka  kale,Yuweri Musavani wuxuu kaloo ka walaacsan yahay dalka Ethiopia oo 21-kii sanno kadib burburka dalka Somalia saamayn military iyo mid siyaasadeed ku lahayd dalka Somalia waxaana jiray in dhawaan ciidamo Amisom ah oo la geeyay Baladweyne ay diideen ciidamada itoobiya isla markasna isaga baxay magaalada iyagoo muujinayay inay isla joogeen labada ciidan.

Etoobiya waxay doonaysaa in arrimaha Somalia iyada lagala tashto oo ay hogaanka u hayso si lamid ah xiliyadii maamuladii iyo dowladihi hore Somalia soo maray 21-ka sanno isla markasna doonayso inay meesha ka saarto Uganda oo hormuud u ah ciidamada amisom ee nabad ilaalinta Somalia.

Yuweri Musavani ayaa doonaya inuu xiriir wanaagsan la samaysto dhiggiisa Somalia  Prof. Xasan Sheekh waxaana jira in rag u kala dab qaadaya labada mas’uul ay meesha ku jiraan waxaana wararka ay sheegayan in Prof.Food Cadde oo wax kusoo bartay Dalka Uganda jaamacad ku taalla isla markaasna saaxiibo dhow ay yihiin Xasan Sheekh uu yahay shaqsiga ka shaqeenaya inuu adkeeyo xiriirka labada madaxweyne.

Prof. Food Cadde ayaa ah nin muddo ku noola dalka Uganda isla markaasna wax kusoo bartay oo shahaadada Master-ka dhaqaalaha ku qaatay jaamacad ku taalla dalka Uganda,waa nin qabiil ahaan kasoo jeeda Beesha Dir,waana nin siyaasad ahaan kasoo horjeedo dalalka dariska ah ee Kenya iyo Ethiopia isla markasna raba inuu meesha ka saaro dalalkaas iyo saamaynta ay ku leeyihiin Somalia.

Waxaa kaloo jira in xafladda Sanad guurada Uganda uu kasoo qeyb galaayo madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi oo siyaasad ahaan si weyn ugu soo horjeedo dalka Ethiopia iyo danaha ay Somalia ka leedahaya ayaa shir hordhac waxaa xarunta madaxtooyada Uganda ku yeelan doonno madaxweynayaasha Somalia iyo Masar Xasan sheikh iyo Maxamed Morsi waxana ay ka wada hadli doonan arrimaha siyasadda Somalia iyo sidii siyaasad ahaan Masar gacan u siin lahayd waxaa kaloo looga hadlayaa xaaladda Magaalada Kismaayo iyo Kenya oo maamul u samaynayso jubbooyinka.

Kadib kulanka labada Mas’ul ee dalalka Somalia iyo Masar ayaa waxa jiraya kulan saddex geesood ah oo xarunta madaxtooyada ku dhexmaraya Maxamed Morsi,Yuweri Musafani iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah nin siyaasad ahaan aan jeclayn dalalka dariska la ah Somalia kuwaas oo uu u arko inay yihiin caqabadda 1-aad ee dalka.