Sheekada sida nin u shaqeeya CIA ula saaxiibay kadibna dilkiisa ka shaqeyay hogaamiyaha Al-Qacidada….!

Hay’adda sirdoonka dalka Denmark PET, ayaa shaaca ka qaaday inay si toos ah ugu lug lahayd dilkii hogaamiyaha Al-Qacidada Yemen Anwar Al-Awlaki, oo lagu dilay weerar diyaaradaha aan cidi duulin ee Mareykanka ay ka fuliyeen dalka Yemen, bishii september ee 2011.

Morten Storm oo ah 36 jir ka tirsan PET oo la shaqeeyay CIA-da Mareykanka, ayaa u sheegay wargeyska Jyllands-Posten, in isaga oo iska dhigay saaxiib wanaagsan uu ku biiray kooxda Awlaki, uuna ku lug lahaa dhacdooyin dhowr ah oo hogaamiyey dilka Awlaki.

“Waxaan ka caawiyaya CIA-da iyo PET inay daba galaan Awlaki, si ay ugu diraan diyaaradda drone-ka oo ay u disho” ayuu yiri Storm.

“Waxa uu ahaa qorshe ay soo hindistay CIA-da” ayuu yiri.

Storm ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo Awlaki ay billaabeen inay farriimo isku dhaafsadaan cajalka Flash drive, horaantii bishii september ee 2011.

“Markii uu fariin iigu soo diray Flash Drive, waxaan u celiyay mid kale oo lagu xiray qalab sheegaya halka uu joogo, kadibna sidaas ayaa CIA-da ku weerartay Awlaki, uuna ku geeriyooday” ayuu yiri Storm.

Storm ayaa kashifay in muddo dheer uu ku noolaa nolol laba wajiile ah. Mid ka mid ah noloshiisa ayaa ahayd wakiil ka tirsan PET oo lagu magacaabo Morten Strom, lana shaqeeya CIA, halka mid kalena ay ahayd Islaami mintid ah oo lagu magacaabo Muraad Storm, oo saaxib la ah Al-Qaeda.

“Dad badan oo qoyskeyga ka mid ah ayaa rumeysnaa inaan muddo lix sano ahaa hogaamiye u go’ay ilsaamiyiinta” ayuu yiri Strom, oo intaas ku daray “Hadda waxa ay ogaadeen inaan la dagaalamayay argagixsada”.

Storm ayaa diinta Islaamka qaatay sanaddii 1997-kii, waxaana uu muddo ku noolaa dalka Yemen, si uu halkaas qur’aanka uga barto.

Sanaddii 2000, ayuu guursaday haweeney Maroccan ah, oo u dhashay wiil sanadii 2002, kaasi oo loogu magac daray Osama.

Waxa ay astaan u ahayd sida uu u jecel yahay Osama Bin Laden, waxaana uu la saaxiibay hogaamiyaha Al-Qacidada Yemen Mr Awlaki oo ahaa American.

Muddo haddii uu la joogay ayuu sheegay inuu dhibsaday fikradda aadka u mayalka adag ee Al-Qacida, taasi oo keentay inuu aamino in waxa loo dagaalamayo aysan ahayn waxa uu isaga mooday.

Xagaagii 2006, ayuu xiriir la sameeyay PET una sheegay inuu ka caawin karo la dagaalanka argagixisada isaga oo ka faa’iideysanaya kalsoonida ay u hayaan.

Waxaa kadib dhacday in CIA-da ay sidoo kale arrinka ku lug yeelato, waxaana jiritaanka iyo howsha uu hayay Mr. Storm, sidoo kale ogaa madaxweyne Obama, kadibna waxaa billowday qorshaha lagu dili lahaa Awlaki oo qaatay waqti dheer.

“Waan ku faraxsanahay shaqada aan qabtay” ayuu yiri.

Si kastaba quburada aragagxisada ayaa ka digay in Storm uu iminka naftiisa ka dhigay bartilmaameed, kadib markii uu shaaca ka qaaday wixii uu sameeyay.

Waxa ay sidoo kale tani halis gelin kartaa dadka caddaanka ah ee iminka xubnaha ka ah Al-Qacida, oo ay suurta gal tahay in laga shakiyo.

Waxaa qoray: Tifaftiraha Caasimada Online, Alaxmed.