Maxay tahay ay sababta ICG uga digtay doorka Turkey ee Somalia. (Dhageyso)

Ma naqaan ujeedka ay ka damacsan tahay, hase yeeshee hay’adda xalinta shaqaaqooyinka Caalamiga ee International Crisis Group, ICG, ayaa ka digtay waxa ay ugu yeeraty fara gelinta Turkiga ee Somalia.

Warbixin ay soo saartey hay’addu oo ay ku qiimeyneysey doorka Turkiga ee Somaliya ayey ku sheegtey in dadka Soomaaliyeed ay rajo ka badan waxa ay dowladda Turkiga u qaban karto Soomalida ay ka qabaan inuu Turkigu wax badan ka qaban karo Somaaliya iyagoo taasna sabab uga dhigay kaalmadii bani,aadanimo ee waqtiga muhiimka ahaa ay geeyeen Soomaaliya.

Abdirashid Khaliif Xaashi oo ah Cilmi bare ka tirsan ICG gaar ahaana geeska Afrika ayaa VOA uga warramay caqabadaha ay hay’addu ka dhex arkeen howlaha gargaarka iyo dib u dhiska Turkiga ka wadaan. Dhageyso Wareysiga Abdirashid.