Sirtii ugu weyneyd dunida: Abu-Bakar Al-Baghdadi waxaa tababar Mossad & CIA (Qorshe Israel darteed loo dejiyey)

London (Caasimada Online) – Sir xasaasi ah oo soo shaac baxday, ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha kooxda ISIS ee Ciraq iyo Syria Abu Bakar Al-Baghdadi, ay tababar siisay hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad, oo caawimaad ka heleysa saraakiil British iyo American ah.

Xogtan, ayaa waxaa shaaca ka qaaday jaajuuskii horey uga goostay hay’adda nabad sugidda qaranka Mareykanka (NSA) ee Edward Snowden.

Sida uu daabacay wargeyska Gulf Daily News, Snowden ayaa sheegay in Mareykanka, UK iyo Israel ay hindiseen qorshe ay ku ilaalinayaan jiritaanka Yahuudda oo ay ugu magac dareen “the hornet’s nest”.

Qorshaha ayaa ah in dhammaan kooxaha argagixisada ee dunida hal meel la iusgu geeyo, laguna mashquuliyo dagaal aad uga fog Israel.

Documents-ka uu sii daayey Snowden, ayaa sheegeya in kooxda ISIS loo aas aasay in lagu bad baadiyo Yahuudda, si cadowga Israel loogu mashquuliyo dagaallo kale.

Snowden waxa kale oo uu shaaciyey in hoggaamiyaha ISIS Al-Baghdadi uu sanad dhan tababar xooggan ku qaadanayey xerooyin ay maamusho Mossad, halkaasi oo si wanaagsan diinta islaamka iyo hab hadalka soo jiidashada leh loogu barayey.

Shaac ka qaadistan uu sammeeyey Snowden, oo dalka Ruushka magan galyo ka haysta, waa tii ugu weeneyd ee dunida islaamka tuseysa wax badan oo ka qarsanaa.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com