Xasan Sheikh oo safiir u magacaabaya Gaandi (Qancinta beelaha Kablalax)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabi doona Prof. Maxamed Cabdi Gaandi inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiisan doona dalka Canada, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online.

Sida xubno ku dhow Villa Somalia ay u sheegeen Caasimada Online, Xasan Sheekh ayaa shaaciyey in la xoojin doonno xiriirka ay dowladda Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka, sidaa darteedna uu magacaabi doono safiiro badan.

Magacaaabista Gaandi, ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo shaaciyo maalmaha soo socda.

Maxamed Cabdi Gaandi
Maxamed Cabdi Gaandi

Magacaabista Gaandi waxaa ay ku soo aadaysa xilli maalmo ka hor uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya muddo 23-sanno kaddib safiirka rasmiga ah ee Soomaaliya u fadhisan doonna dalka Marekanka, kaaso loo magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Tallaabadan, ayaa qeyb ka ah qorshe Xasan Sheekh uu ku qancinayo beelaha Daarood, waxaana sida la sheegay cadaadis ku haya Ethiopia, Kenya iyo xafiiska UNSOM ee Somalia, ee uu hor-boodo Nicholas Kay, oo xiriir dhow la leh beelaha Majeerteen iyo Ogaadeen.

Madaxweynaha oo horey labadan beel ugu xalaaleeyey maamulka Jubbooyinka, ayaa sidoo kale la sheegay inuu xilal kale siin doono, inkasta oo aan la shaacin waxa ay yihiin.

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo la sheegay in loo magacaabi doonno safiirka Soomaaliya ee dalka Canada, waxaa uu horay usoo noqday wasiirkii gaashandhigga Soomaaliya 2009 ilaa Noofember, 2010, xilligii madaxweyne Shariif iyo xukuumaddii Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com