26.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 2, 2025

Fadeexad ka jirta Xamar: 32 siyaasi oo DF ka dalbaday xabsi, 1 sabab darteed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – 32 ka mida Gudoomiye ku xigeenadii degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeeysay Dowladda Somalia weydiistay inay Xabsiga dhexe u gudbiyaan, si ay uga baxaan Xabsi guri ay ku jiraan.

Gudoomiye ku xigeenada oo Wareeysi dheer siiyey idaacadda Dalsan ee Muqdisho, waxay sheegeen inay naftooda halis ku jirto ,iyadoo taasina ay sababtay inay cabsi darteed guryahooda ka bixi waayeen.

Gudoomiye ku xigeenada oo tibaaxay inaysan Madaxda Dowladda Somalia uga jawaabin codsiyo ay u dirteen, waxay dhinaca kale codsadeen in dhamaantood loo gudbiyo Xabsiga dhexe ee Dowladda, maadama uu guryahooda uga amaan fiican yahay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab oo kheeyrul Masuulnimo ku dhiiraday, ayaa wuxuu xilalka hal maalin ka eryay boqol ka mida shaqaalaha gobolka Banaadir, hase yeeshee garasho xumadiisa dadkaas uu shaqada ka eryay marna kama fikirin ammaankooda Tani waa fadeexadii ugu cusleed ee madaxda dowladda iyo Gudoomiye Muungaab ruxda xafiisyadooda.

Halkan ka dhageyso hadallada guddoomiye ku xiggeenada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News