Sixitaan Warbixinta Hantidhowrka Qaranka Ee Baaritaankii Golaha Shacabka

Bogga warbaahinta Caasimadda Online ayaa 31-ka bishii aan soo dhaafnay baahisay xog ay heshay oo la xiriirtay baaris Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka uu ku sameeyay Xafiisyada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Hadaba bogga oo ilaalinaya xuquuqda Xafiiska Hantidhowka guud ee aan baaritaankooda soo xiganay waxaan Aqristeyaasheena Sharafta leh u xaddeyneynaa in kooxda ka socotay Hantidhowrka uu baaray Xafiisyada Guddoonka Golaha Shacabka Sida ku cad warbixinta kasoo baxday xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

Bogga Caasimadda oo daabacay xog la xiriirtay natiijada baaritaankaasi wuxuu ka cudurdaaranayaa

  1. In ciwaanka warbixintii Hantidhowrka ee ay heshay Caasimadda Online ay u isticmaashay Shaqsi gaar ah.
  2. In aan muujinay magacyada Baarayaashii ka socday xafiiska Hantidhowrka taasoo ka baxsan anshaxa Saxaafadda Marka la joogo Xaaladaha Baarista.
  3. In Qeyb warbixinta aan daabacnay kamid ah la tirtiray oo qalin la marsiiyay, lana badalay tiradii saxda aheyd ee waaxda barista Hantidhowku soo saartay.

Hadaba Bogga Caasimadda Online oo ilaalinaya Xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed wuxuu markale ka cudurdaaranayaa qaabka ay u baahisay magacyada shaqaalahaasi baaritaanka Sameeyay, inagoo dhinaca kalana aqristeyaasheena u caddeyneyno sax ahaanshaha xogta aan helnay ee la xiriirta baaritaanka.