Kheyre iyo Jawaari oo weli ka meermeeraya is aragooda iyo xubno u kala dabqaada oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in weli uu socdo qorsho lagu wada kulansiinaayo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Labada mas’uul ayaa la sheegay inay u kala dabqaadayaan xubno ku guda jira ololaha lagu doonaayo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay Mooshinka.

Mid kamid ah xubnaha ku howlan isku soo dhaweynta labada mas’uul ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiye Jawaari uu ka caga jiidaayo horfadhiisiga Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uuna taa bedelkeeda ka doorbiday in loo kala dabqaado.

Xubintaan ayaa laga soo xigtay in Guddoomiye Jawaari uu dalbanaayo in xalka loo maro keliya in garabkiisa loo fuliyo doorasho caadil ah.

Waxa uu sheegay in lagu guda jiro sida xal looga dhex abuuri lahaa labada mas’uul isla markaana leysku horfadhiisin lahaa si ay u xaliyaan buuqa carqaladeeyay Mooshinka weli furan.

Sidoo kale, Wakiilada Beesha Caalamka ayuu sheegay in laga saaray liiska xubnaha u istaagay xalinta Khilaafka maadaama ay dowlada Somalia ahmiyada siineyso in wixii khilaaf ah ay dhexdooda xalistaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli laga cabsi qabaa in lagu fashilmo wadahadalka la doonaayo in lagu xaliyo khilaafka baarlamaanka iyo Xukuumada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com