Akhriso Tirada Qaraxyada Bishii March ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo kala duwan ayaa bishii March ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kuwaa oo galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan.

Qaraxyada Bishii March ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay March ay yihiin 6 Qarax oo u badnaa Ismiidaamin loo adeegsaday Gawaari.

HOOS KA AKHRISO QARAXYADA MARCH 2018 KA DHACAY MUQDISHO

1-March 8, 2018, Qarax miino ayaa waxaa  Bartamaha Wadada dhexmarata deegaanka Garasabaleey loogu aasay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Deegaanka Garasbaaleey.

2- March 22, 2018, Ismiidaamin loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay ku dhawaad 20 ruux oo shacab ah.

3-March 25, 2018, Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay laba ruux oo la soctay.

4-March 25, 2018, Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Isgooyska Sayidka, gaar ahaan barkoontarool oo gaadiidka ay ku baarayeen ciidamada Koofi casta ah, waxaana ku dhintay Afar ruux oo shacab ah.

5- March 26, 2018, Qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile, waxaana ku dhintay Hal askari oo la socday Gaariga ay miinada la Qaraxday, halka mid kalane uu ku dhaawacmay.

6-Mar 28, 2018, Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho,  waxaana Qaraxa loogu xiray nin magaciisa lagu soo koobay Cabdixafiid, oo la shaqeeya mid ka mid ah hay’adaha gar-gaarka iyo baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa bilihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kusii kordhaayay Qaraxyada loo adeegsanaayo gaadiidka miineysan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com