Wareega cimriga siyaasyiinta iyo mooshinka guddoomiye Jawaari

“Wareegii ayaa igu yimid” waa xikmad uu yiri AUN Nabadoon Macalin Haaruun mar la afduubay oo la weydiiyey! Maxaad haleysay? Ayuu ku jawaabay “wareegii ayaa igu yimid”.

Siyaasyiinta Somaalida ee Madaxda noqotay ayaa ugu cimri gaaban Afrika iyo Carabta, maxaa sababay?

Madaxdeyna miyaa ka liidata kuwa kale? Dadkeyna miyaa ka xun dadka kale? Mise Dimoqoraadiyadda iyo Xorriyadda ayaa nagu badan???

Gudoomiye Jawaari waa Siyaasiga ugu Cimriga dheeraa ee Madax ka noqda dalka kadib burburkii dawladii dhexe 1991, wuxuuna calanka u sidaa intii soo noqotay Gudoomiye Barlamaan, Madaxweyne, R/wasaare, Wasiir iwm.

Waxaana Gudoomiye loo doortay Augost 2012, wuxuuna dhameystay 4 sano iyo 6 bil, bilawgii 2017 ayaa mar labaad dib loo doortay, 6 sano ayuuna hayaa xilka Gudoomiyaha Barlamaanka sidaas ayuuna ku noqday Siyaasiga ugu Cimriga dheer;

Lixdaas sano waxa uu xilka u kala wareejiyey 3 Madaxweyne, 3 Barlamaan, 4 R/wasaare iyo 4 Gole Wasiiro.

Ma jirin markii laga reebo G.Jawaari Siyaasi xilkiisa ku dhameystay Ridid la’aan, Mooshin iyo Khilaaf la’aan sida:

A- Gudomiye Barlamaan: 2000 – 2004 Caddalla Deerow AUN iyo Musdhaf Guudow, 2004 – 2009 Sharif Xasan iyo Aadan Madoobe, 2009 – 2012 Aadan Madoobe, Sharif Xasan iyo Madoobe Nuunow.

B- 4 Madaxweyne oo ku dhameysatay Khilaaf, Mooshin iyo sanadkii ugu danbeeyay oo ay hawl-geb noqdeen ama iska casileen sidii C.Yusuf AUN

C- 11 R/wasaare iyo 13 Xukuumadood oo lagu riday Mooshin iyo Khilaaf ama noqday hawl-geb sanadihii ugu danbeeyay Cimrigooda.

Gudoomiye Jawaari 14 ka bishii dhamaatay ayaa laga keenay Mooshinkii ugu cuslaa ee laga keeno Gudoomiye dhanka tirada Xildhibaanada iyo saameynta dawladda.

Laba asbuuc oo dagaal dhinaca sharciga iyo ololaha Xildhibaanada ah kadib ayuu shalay aqbalay

G- Jawaari baajinta kulankii Barlamaanka iyo waan-waantii uu usoo jeediyey M. Farmaajo.

Gudoomiye Jawaari maanta waxaa horyaal 3 Khiyaar oo mid kasta leeyahay dhaawac iyo dhimasho Siyaasadeed;

A- In Sharcigii iyo Codkii la isku khilaafay dib loogu noqdo oo ay ka dhala karto;

1- In cabsidii rabshadaha iyo buuqii shalay loo baajiyey dib usoo noqoto.

2- In Sharciyada Mooshinka oo Jawaari diiday hadana aqbalay, mar kale diiday Shalyna ka aqbalay Madaxweynaha in la xalliyo, mar kale la isku qabqabsado Sharciyadiisa.

3- In Madaxweynaha oo uu markii hore ku eedeeyey in uusan Mooshinka dhexdhexaad ka aheen, Shalayna uu aqbalay in uu Nabaddoon ka noqdo,, mar kale uu diido oo kala shaki cusub ka dhasho.

4- Awoodii iyo Ciidankii Xukuumada oo Jawaari dhaliilay xal kale loo waayo.

B- In uu is Casilo, Golahana la dar-daarmo oo ay ka dhala karto;

1- In ay isku dhacaan isaga iyo Xildhibaanada Badbaado ee difaacayay oo uu ka balan qaaday in uu iyaga ka mid yahay, meelna ay ku wada Shubi doonaan, kuna wayn karaan fursado Siyaasadeed oo uga xiran joogistiisa.

2- In Gudoomiye ku xigeenka 2 aad iyo Saaxibada Jawaari ay dareemaan in laga aar goosto hadii uu baxo Jawaari.

C- In Mooshinka lagu dhameeyo Waan-waan iyo wada joogis oo ay ka dhala karto;

1- In uu aqbalo wixii uu horey u diiday – xasilooni Siyaasadeed.

2- In Xildhibaanada Mooshinka iyo Batiishanka saxiixay iyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad lagu qanciyo in ay dib u aqbalaan hogaaminta iyo gudoominta Jawaari taas oo ku adag dhaqanka Siyaasiyiinta Somaalida.

3- In Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Koofur galbeed oo ah mashiinka ugu weyn iyo tirada ugu badan ee riixaysa Mooshinka lagu qanciyo sii joogista Jawaari kadib markii ay bilaabeen ololaha Gudoomiye Cusub.

4- In ay ku adagtay Madaxweynaha iyo Xukuumadda in ay aaminaan Xildhibaanada difaacaya Jawaari oo 3 bil ka hor Mooshin ka keenay Madaxweynaha hadana ku dhex jira Jawaari.

5-In la qanciyo Xildhibaanada raba Wasiira cusub, rajana ka qaba in lagu heshiiyo Kampala Accord II oo Xukuumadu meesha ka baxdo, lana dhso mid cusub oo ay wax ka helaan.

6- Qola Sedaxaad oo fursad la siiyo oo matasha booskii Mahiiga oo mar kasta ku kula dhex jira hay’adaha iyo Madaxda Dawladda markii ay kala shakiyaan.

Hadaba haddii aad Talo siin laheed Gudoomiye Jawaari midee ayaad farta ugu fiiqi laheed in danta dalka iyo dadku ku jirto? Una fiican isaga Magaciisa, Sharafkiisa iyo Karaamadiisa???

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)