Siyaasada Kismaayo oo ciir ciireysa iyo Galmudug oo iska daadisay caanihii DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Kismaayo oo ay ku bahoobeen 5 Madaxweyne Gobal, Madaxna uu u yahay Madaxweyne Gaas, sanad ka horna lagu dhisay Kismaayo ayaa Shirar-koodii hore ku qabtay Kismaayo iyo Baydhabo kaliya.

Waxaana markii labaad baaqday Shirkii ay ku balameen Garoowe bilawgii bishaan Asbaabo Culeys iyo Caqabad ku noqon kara Jiritaankooda Mustaqbalka sida:

1-Garoowe oo diiday in ay fuliso go’aankii Kismaayo kasoo baxay bil ka hor ee ahaa Joojinta wada shaqeynta Federaalka kadib markii lagu qabtay doorashadii xubin ka mid ah Barlamaanka Federaalka iyo Shirkii Gudiyada dib u eegista Dastuurka.

2-Markii uu ka baxay Golaha Madaxweyne Waare oo ahaa Gudoomiye ku xigeen, ahaana Musharaxa la wareegi lahaa Guddoonka Golaha Shirka Garoowe, isaga oo ku tilmaamay shir danbe oo lagu qabto Garoowe in uu yahay Sharci darro.

3-Kulamadii Nairobi oo natiija la’aan kusoo dhamaaday kadib markii 4 Madaxweyne Gobal ay lasoo kulmeen Safaaradaha Shisheeye ee degan Nairobi kana dalbadeen faragelin iyaga iyo Federaalka.

5-Isbedelkii Ethiopia oo saameen ku yeeshay Madaxda Gobalada Safaradoodii Addis Ababa iyo Ciidamada jooga Kismaayo iyo Baydhaba.

6-Doorashada 4-ta Madaxweyne oo bilo yar kaliya ka dhimantahay sida: Sharif hal bil, Gaas 2 bil, Xaaf 7 bil, Madoobe 9 bil.

7-Garoowe oo ku jirta olole doorasho iyo Musharaxiinta oo u arka shirka Golaha Kismaayo ee Garoowe in uu qeyb ka yahay Ololaha Doorashada Gaas.

8-Garoowe oo diidan in ay wada noqoto Hooyada Federaalka iyo Golaha Kismaayo.

9-Baydhabo oo ka Cabatay hadaladii Madaxweyne Gaas iyo Wasiir Xayir, kuna faraxsaneyn tegida Madaxweyne Shariif ee Garoowe, wacadna ku martay haddii uu tago in ay ka jari doonto dhibcihiisa doorashada.

10-Galmudug oo yeelatay 2 Madaxweyne, 2 Barlamaan, 2 Caasimad, 2 Xukuumad Shirkii Kismasyo kadib, kuna wareersan halkii ay aadi laheed markii hal mar looga wada yeeray; Xamar, Kismaayo iyo Garoowe, markii ay iska daadisay Nasiibkii ay ku heshay Caanihii Federaalka sida:-

Madaxweynaha Federaalka, Ra’isalwasaaraha, Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha Arimaha Gudaha oo dhammaantood ah reer Galmudug, Socdaalkii dhulka ee Madaxweynaha, Dhagaxdhigii Dekeda Hobyo iyo Caasimadaha Cadaado iyo Dhusamareeb iyo Heshiiskii Ahlusunna, intaas kadib ayey ku dhacday: “Wax badso wax beel ayey leedahay”.

Hadaba lama filayo in uu qabsoomo Shirkii Garoowe, haddii uu qabsoomana lama filayo in uu noqdo mira dhal duruufaha ku hareeraysan Awgood.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)