Tarsan oo sheegay in DF SOOMAALIYA ay bur-bur aan caadi aheyn ku socoto

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo qoraalo kusoo daabacay Beejka uu baraha Bulshada ku leeyahay, ayaa waxa uu uga hadlay Amni darida ka taagan Magaalada Muqdisho.

Tarsan waxa uu sheegay in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxaayo, islamarkaana ay Dowladu ka caajisan tahay xaqiijinta Ammaanka.

Tarsan oo ka walaacsan Amni darida ka jirta Muqdisho iyo dilalka lala beegsanaayo Madaxda Dowlada, ayaa waxa uu sheegay in taasi ay muujineyso inuu bilowday Bur-burka Qaranimo ee Somalia.

Qeyb kamid ah qoraalka Tarsan uu kusoo daabacay Faceboogiisa ayaa waxa uu ku yiri ‘’Waa bilowgii burburka Qaranimo ee Somalia inta ka horeysana hadaan deg deg wax looga bedelin xaalku sidaa ma sii ahaan doono’’

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), waxa uu qoraalkiisa ku muujinayaa in Dowlada Federaalka Somalia ay marti galineyso burbur hor leh oo ka dhalanaaya Amaan darida.

Tan iyo markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Tarsan, ayaa waxa uu qoraalo dhiirigalin iyo kuwo dhaliil isugu jiro kusoo daabacaayay Faceboogiisa, wallow inta badan uu aad uga hadlo Ammaanka iyo xasil darida.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com