‘’Musuq-maasuqa ka jira xafiiska Cabdi Weli, weli kama dhicin Soomaaliya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Caalimiin Omar Diiriye oo ka tirsan Aqoonyahaanada Somalia kana qeyb qaadanaayay barnaamid ka baxay  Idaacada SKY ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in Madaxda Dalka Somalia ay dhaqan ka dhigteen faragalin iyo Siyaasad xumi.

Waxa uu sheegay in Musuq xoogan uu ka jiro Xafiiska Ra’isulwasaare C/weli, wuxuuna Tilmaamay in kala dambeyn la’aan uu ka dhex jiro Xafiiskiisa, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Haddii xafiisyada Madaxda Dowladu ay ka jiraan maamul xumi iyo is dabamarin ma u maleynaayo inay hagaagi doonto xaalada dalka, waayo Ra’isulwasaare C/weli kuma dhaqmo sharciga’’

Sidoo kale, Caalimiin Omar Diiriye waxa uu daboolka ka qaaday in Xafiiska Ra’isulwasaaraha uusan laheyn Amni iyo kala dambeyn, isagoona tusaale usoo qaatay Seddex Agaasime oo muddo Todobo bilood uu ku sameeyay.

‘’Ra’isulwasaare C/weli isaga ayaa u baahan in wax laga baro nidaamka, waayo muddo Todobo bil gudaheeda ayuu waxa uu ku kala bedelay Seddex Agaasime, taasi waxa ay kamid tahay cadaalad la’aanta ka dhex jirto Xafiisyada Dowlada’’ Sidaa waxaa yiri Caalimiin Omar Diiriye oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad la shaqo galiyo hadana aan lasiin mushaar.

Dhanka kale, Waxa uu ku taliyay in Madaxda dalka ay joojiyaan Musuqa iyo nidaam la’aanta si shacabka looga helo wadashaqeyn iyo ka qeyb qaadashada hanaanka lagu sugaayo Amaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com