Sawiro: Xiisad kacsan oo ka jirta Gedo iyo guddoomiyihii oo gaaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay gaareen wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobalka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil iyo ku-xigeenkiisa.

Wafdiga oo la socday diyaarad ka timid magaalada Muqdisho, ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaadaha Kismaayo sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Jubbooyinka.

Wafdiga ayaa markii ay ka soo dageen diyaaradii ay la socdeen waxay kulamo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobalka Jubbooyinka, Cabdirashiid Gooni iyo guddoomiyaha dib u heshiisiinta beelaha deggan Jubbooyinka iyo Gedo, Cabdi Baaleey.

Wafdiga ayaa la sheegay in ay magaalada u yimaadeen siddii ay wada xaajood uu ula yeelan lahaayeen maamulka KMG ah ee Jubba.

Maxamed Cabdi Kaliil iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa la sheegay in ay kulamo la yeelan doonaan guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan maamulka Jubba.

Waa markii ugu horreysay oo guddoomiyaha gobalka Gedo uu gaaro Kismaayo tan iyo markii la sameeyay maamulka KMG ah ee Jubba oo ay ku mideesan yihiin Jubbooyinka iyo Gedo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERAOLYMPUS DIGITAL CAMERA

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com